Masuuliyiinta Qaranka oo Farriin u diray Beesha Caalamka, Meel adagna Iska taagay Sugitaanka Xuduudaha iyo Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne ku-xigeenka Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Shir-guddoonnada Baarlamaanka, Madaxda Xisbiga Qaranka iyo Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, ayaa si midaysan u difaacay Qaranimada Somaliland iyo sugidda Ammaanka iyo xasiloonida Xuduudaha Somaliland.

DSC_0009Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), , Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, , Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku-xigeen Golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda, ayaa sheegay in qadiyadda Somaliland lama taabtaan tahay isla markaana aanu masuuliyadda ilaalinta ammaanka xuduudihiisa cid kale u daba-fadhiisanayn.

HALKAN KA DHEGAYSO