“Masuuliyada Iyo Fadeexada Golaha Ka Dhacday, Waxa Iska Leh Guddoomiye Cirro” Xildhibaan Qabile

Hargeysa  (SL.Post) Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Guddoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  (Cirro) ku eedeeyay sabab u yahay ansixinta heshiiska ay Xukuumaddu la gashay shirkada DP World.

 

 

 

 

Xildhibaan Qabile oo ansixinta ka dib warbaahinta la hadlay waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddu ay dhaqaale u adeesatay sidii heshiiskani u dhaafi lagaa Golaha Wakiillada.

 

 

“Masuuliyada iyo  fadeexada halkan ka dhacday waxa iska leh Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo hordhaca uu ka bixiyay Guddoomiyuhu , waxa is qabanaya in waxani aanu ahayn wuuu cadeeyay  oo Wasiirrada ayaa inoo sharaxaya ayuu yidhi. Wasiiraduna Halxidhaalahaas wey ka baxeen.” ayuu yidhi Xildhibaan Qabile

 

 

Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Xukuumaddu waxay ogayd hanka iyo itaalka Golaha Wakiillada,  sida Roob gudgudaa guri guri bay u gashay oo iyadoo aan u qarain dhaliisheeda ayay ku isticmaashay Hantidii qaranka oo waxay yihiina wey tustay. Sidaa daraadeed Golaha Wakiilladu Guurtidu lama wadagaato Aqalkan qol ku raaga ah ee waliba  sugaya inay ku laaluushto Xukuumaddu ugu balan qaaday.” ayuu yidhi Xildhibaan Qabile

 

 

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sheegay in Golaha  Wakiilladu ay lumiyeen kalsoonidii shacbiga, waxaanu yidhi   “Waxaan filayaa maanta laga bilaabo in Golahani aanu sii jiri doonon, fadeexada ugu weyn Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu galay oo han siyasadeed markaad leedahay iyana waxbaa ku sii dheer. Maanta arrinkaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu laba mid buu ku kasban lahaa,  Somaliland babaadadeena oo uu taageero iyo inuu ku dhinto isaga iyo Golihiisu.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa