Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Xarumo Axsaabtu Leedahay Oo Ciidanku La Wareegay

Hargeysa, (SLpost)- Ciidamada RRU-da, ayaa saaka  xabsiga u taxaabay xoghaye ku xigeenka warfaafinta xisbiga Waddani Md.Cabdirashiid Maxamed Aadan (Jeeni) isaga oo si caadi ah u gudanaya hawl-maal meedkiisii shaqo. waxaana sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan cidamada boolisku hada la geeyey xarunta C.I.D-da, lamana oga ilaa hada sababta mas’uulkan keentay xadhigiisa.Jeeni

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in xarumahii dhexe ee xisbiyada Ucid iyo Waddani-na ay la wareegeen ciidamada sida gaarka ah u tobabar ee RRU-da oo ay wehelinayaan ciidamada Booliska Somaliland, waxa kale oo gabi ahaanba la xidhay wadada hor marta qasriga Madaxtooyada Somaliland ee ka soo gasha dhinaca galbeed una socota dhinaca bari iyada oo aagaas oo dhanba ay teedsan yihiin ciidamo aad u tira badan.

Dhanka kalena wararku waxa ay intaas ku darayaan in hotel Dalxiis oo ku yaala afaafka hore bariijka weyn Hargeysa la soo hor dhoobay ciidamo aad u badan iyada oo xukuumaddu ka baqo qabta in halkaas lagu qabto shirkii talo-qaran ee ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Ilaa hada lama garanaayo sida xaalku ku danbeyn doono balse waxaa ay shacbiga ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa u dhagtaagayaan qabashada shirka talo-qaran ee ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradku, iyada oo gudaha magaalada Hargeysa iyo goballadaba si weyn looga hadal hayo.