Masuliyiinta Jubba Express oo Ka qayb galay Munaasibad loo qaybtay Muwaadin Ingiriis ah oo Masaafo 4000km Safar Dhulka ah ku soo gaadhay Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta Sarsare ee Xawaaladda Jubba Express, ayaa ka qayb-galay munaasibad loo qabtay muwaadin Igiriis ah oo Safar Dheer oo dhulka u soo maray taageerada cusbitaalka Edna Adan ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo dorraad lagu qabtay Hotel Handhwanaag, waxa ka soo qayb galay, Drs. Adna Aadan Ismaaciil, Masuliyiinta Xawaaladda Jubba Express, ardeyda jaamacadaha, dhalinyarada iyo xubno ka mida qurba jooda dalka ku sugan.

Christopher Stanfield, oo ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay ayaa si fah-faahsan u sharaxay socodkiisii dheeraa ee uu ku so maray shanta wadan, waxaanu sheegay intii uu socdaalkiisa ku guda jiray uu la kulmay marxalado  adag oo cabsi badan lahaa, waxaa kale uu sheegay in kaalmada uu ka wado cisbitaalka Adna Maternity Hospital uu yahay mid uu ugu tagalay in lagu badbaadiyo nafo badan lagula tacaalana bukaan badan eek u sugan cisbitaalkaasi, waxaanu tilmaamay noqoshadiisa dambe uu wax ka qori doono waxii uu ku arkay Somaliland iyo taariikhdeedaba.

juba

Drs. Edna Aadan Ismaciil, oo musibaadasi ka hadashay ayaa sheekeesay geesinimada iyo qiimaha uu ku dhiiraday Mr. Christopher Stanfield, waxaanay ku dheetaay taariikhda cisbitaalka Adna Maternity Hospital iyo marxaladihii kala duwanaa ee u martay hirgalintiisa, waxaanay sheegatay in dalal badan o dunida ah ay u martay sida Canada, Ustrelia, USA England Holand iyo France, waxaanay tilmaantay inu geesinimo muujiyay isla markaana yahay haylay Mr. Christopher Stanfield, mudan yahayna in looga mahad naqo howsha taageerada uu iskii isku xilqaamay,

Drs. Edna Aadan Ismaciil, waxay sheegtay oo kale cisbitaalka Adna Maternity Hospital, xidhiidh qoto dheer la lee yahay EUda wadamo badan oo ka mida islamarkaana ay wax is dhaafsadaan taageerona ka helaan haday tahay qalabka iyo tabobarada ay bixiyaan taasina tahay mid aan aad ugu amaanayo

Christopher Stanfield, waxaa munaasibadaasi lagu waydiiyay su’aalo badan oo socodkiisii dheera isla markaana mid mid uga jawaabay jawaab faah faahsan,

Geesta kale waxa iyaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyey Masuuliyiinta sar sare ee Xawaaladda Jubba Express, waxaanay sheegay inay ku faraxsan yihiin howlaha  tabarucaadka Christopher Stanfield  ee taageerada ugu raadinayo cisbitaalka Adna Maternity Hospital, waxanu tilmaamay inay taageeradooda lagarab istaagi doonaan, waxaana uga mahad naqeen rikoodka cusub ee mudada afarta bilood ah ugu soo lugeeyay

Christopher Stanfield, waa muwadin u dhashay dalka Biritan waxaanu soo gabo gabeeyay todobaadkan socod dheer oo uu ku soo maray Qaahira ilaa Hargeysa oo uu taageero ugu raadinayay cisbitaalka Adna Maternity Hospital ee magaalada hargeysa taas oo masaafo ahaan u dhigan 4000km. Ninka dhalashadiisu tahay Ingiriiska, waxa sidoo kale u olaleeyaa qadiyada ictiraaf-raadinta Somaliland.

Somalilandpost.net/Hargeysa