Maskaxdii Ka Danbaysay Weerarkii Paris Oo La Qabtay Sida La Baahiyay

Mid kamid ah raggii sida weyn loo doondoonayay ee lagu eedeynayo weeraradii Paris ayaa nolol lagu qabtay, kaddib markii afar bilood baxsad ahaa.

paris

Salax Cabdislam waxaa lagu soo qabtay howlgal boolis oo laga fuliyey degmo ku dhex taalla Brussels ee, Molenbeek.

Sida ay maamulka Belgium sheegeen, lug ayuu ka dhaawacmay.

Sidoo kale nin labaad oo looga shakisan yahay weeraradii November ayaa la dhaawacay lana xiray.

Markaasi kaddib gawaarida booliska iyo kuwa gurmadka degdegga ah ayaa koobta isugu tagay.

Guud ahaan, shan qof ayaa hadda booliska ay gacanta ku hayaan.Ra’iisul wasaaraha Belgium waxa uu sheegay in waqti muhiim ah ay ahayd. Sidoo kale madaxweynaha dalka faransiiska, Francois Hollande waxa uu sheegay in weli dagaalka uusan dhammaan.

Horay, ayaa dacwad soo oogayaashu ay sheegeen in faraha ninka laga helay guri ay ka daganaayeen magaalada Brussels, oo ay booliisku weerareen maalintii Tallaadada.Booliiska ayaa sheegay in laga yaabo in Saalax uu ka warhelay weerarka oo inta aysan booliisku goobta gaarin uu ka baxsaday.Boqol iyo sodon qof ayaa ku dhintay weerarkii Paris.