Mashruuca Iskaashiga Caafimaadka ee Somaliland iyo Taiwan oo si rasmi ah u bilaabmay

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inuu si rasmi ah u bilaabmay mashruuca iskaashiga caafimaadka ee dalalka Somaliland iyo Taiwan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in mashrucaas oo la saxeexay dhamaadkii 2020 uu xilligan si rasmi ah u bilaabmay.

Agaasimaha ayaa u mahad celiyay dawladda Taiwan, gaar ahaanna Taiwan ku leedahay Somaliland . Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay dadkii kasoo shaqeeyay mashruucaasi gaar ahaan shaqaalaha wasaaradda caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in mashruucaasi waxwayn ka tari doono guud ahaan, gaar ahaana goobaha uu ka shaqayn doono.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose