“Mashruuca DP World Haddii Ay Wax Ka Qaldan Yihiin, Waxa Ka Xun In Gebi Ahaanba La Waayo” Cali Guray

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed  Yuusuf (Cali-guray) ayaa waxaa uu ka  hadley heshiiska ay xukuumada Somaliland la soo gadhey shirkada DP World.

 

 

 

 

“Mashruuca DP World haddii ay wax ka qaldan yihiin waxa ka xun in gebi ahaanba la waayo. Taa nasiib darro ka wayni ma jirto aniga xagayga. Reer baa cadhaysan oo taageeradooda lagu helayaa in la diido maalgashiga Berbera ha diido oo isagu ha ku helo ka ku helayaa lakiin aniga taariikhda ii gelimayso in aan ka soo horjeedsaday Maalgashiga DP World mar hadii aanan arkayn wax dhaama oo aan ku doorsado. Hadalka Xildhibaanka iyo inta xisbigiisa ah ee qaylada dheer afka gacanta wada saartay hiil ha u noqoto cidii ay hiil u qaadanayso aniga hadalkaygana ha u qaato ka u qaadanayaain aan ka hiiliyay. Taariikhda ayaa sheegi doonta.

 

 

 

Mashruucan kuwa dheefta gaarka ahi ugu jirto, way jiraan eh, anigu kuma jiro oo mucaarid baaban ahay. Hadii la waayo lafteedana anigu wax gaar ah kuma waayayo. Xataa hadii la diidayo oo reernimo lagu diidana waa haduu sii go’ay. In badan oo runta og ayaan ku dhici karin inay ka badheedhaan oo meel cad iska taagaan lakiin anigu waan qaldanaan karaa balse weligay wax aan qabo ma qarsan oo ugama waabanin waxa lagu moodi, waxa loo qaadan, hebel iyo reer habel baa ka cadhoon. Mar kasta hadana hadii aan qaldanahay waxaan ogolahay in la i saxo.” ayuu yidhi Cali Guray.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa