Mashruuc Talyaanigu Maalgelinayo oo Waddamo Geeska Afrika ah looga Faa’idaynayo waayo-aragnimada Somaliland ee Nabadeynta

Pisa (SLpost)- Khabiir ka tirsan Jaamacadda Scoula Superiore Sant’Anna oo ku taala dalka Talyaaniga, ayaa Jaamacadda Hargeysa u imanaya duruus iyo casharro la xidhiidha nabadeynta oo ay ka qayb-qaadan doonaan khubaro iyo aqoonyahanno u dhashay waddamada Geeska Afrika.

Hargeisa UniversityQoraal shalay ka soo baxay xarunta jaamacddan oo ku taal magaalada Pisa ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu sheegay in dhowr waddan oo Somaliland ku jirto ay ku qaadan doonaan Jaamacadda Hargeysa casharro la xidhiidha wada-xaajoodka iyo wada-noolaanshaha bulshooyinka ku nool gobollada ay khilaafka iyo dirirtu regaadiyeen.

Mashruucan oo wasaarada Arrimaha Gudaha Talyaaniga maalgelisay, ayaa lagu sheegay in muhiimada Talyaaniga iyo jaamacada Sant’Anna tahay sidii loogu gaadhi lahaa wada xaajood iyo wada noolaansho qeybaha dunida ee qalalaasahu ka jiro.

Khabiir lagu magacaabo Andrea de Guttry oo Shuruucda Caalamiga ka dhiga jaamacada Scuola Superiore Sant’Anna, ayaa lagu sheegay qoraalka inuu casharo la xidhiidha nabadeynta iyo qaabka loo Kasbado uu ka jeedin doono Xarunta Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacda Hargeysa.

“Muhiimada iyo xasaasiyadda talaabadani waxay muujinaysaa ku soo laabashada Talyaaniga ee saaxada muuqaal cusub. Sidoo kale, waxay siinaysa Soomaaliya fursad ay waddo cusub u marto, qaabka wada xaajoodka iyo nabadeynta,” sidaa waxa yidhi Prof. Guttry.

Casharadan oo xubno gaadhaya 45 kana kala socda Somaliland iyo wadamadda Geeska Afrika ku qaadan doonaan ayey ku korodhsanayaan qaababka ugu wanaagsan ee dawladnimada iyo khibradaha lama huraanka u ah u xalinta qaab nabadgelyo ah caqabadaha heer gobol iyo caalami.

Waxa qoraalkan lagu sheegay in kulankani uu maalinta Axadda ka furmayo Jaamacadda Hargeysa, isla markaana ay ka soo qayb-galayaan xubno ka tirsan xukuumadda oo lagu martiqaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Qorsheynta Qaranka iyo Waxbarashada, Dr. Sacad Cali Shire iyo Marwo Zamzam Cabdi Adan.

Muhiimadda Kulankan ayaa lagu sifeeyey mid u faa’idaynaysa Qaramada Midoobay iyo Waddamada Geeska Afrika iyo in laga kasbado Somaliland nidaamka ay waayo-aragnimada u leedahay ee xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta.