Masar:Dad Gaadhaya 529 Qof Oo Maanta Maxkamadi Ku Xukuntay Dil

Masar (SLPOST) Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa maanta oo isniin dil toogasho ah ku xukuntay dad ka badan 500 qof oo la sheegay in ay ahaayeen taageerayaasha Ururka ikhwaanul Muslimiin.maxkamadIkhawaanka

Maxkamadaynta 529-qof ayaa ka dhacday meel si weyn milaterigu amaanka si weyn u sugayeen, waxaana dadka qaarkood la xukumay aanney  goobjoog ka ahayn maxkamada, waxaana ay ka dhacday magaalada la yidhaahdo Minya.

Dacwada ka dhanka ah maxaabiistan ayaa isugu jira falal amni xumo, weeraro lagu qaaday xarumaha booliiska iyo burbur loo geystay xarumaha dowlada.

Qareenada u doodayay dadkaan ayaa sheegay in aan la siin haba yaraate waqti ku filan oo ay ku difaacan, balse maxkamada ayaa ogol in dadkaan ay racfaan qaataan.

Maxkamadeyntan ayaa ah tii ugu weyneyd oo dalka Masar ka dhacda tan iyo intii ay militariga afgembiga xukunka uga tuureen xukuumadii Maxamed Morsi.

Masar ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore u aqoonsatay Ururka ikhwaanul Muslimiin Urur argagixiiso, waxaana sidoo kale dhowaan sidaas si lamid ah liiska argagixiisada ku daray Boqortooyada Sacuudiga.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland