Masar oo lagu eedeeyay ku xadgudubka xuquuqda aadamaha

Masar(SLpost)-Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International waxa ay sheegeysaa in Masar ay saameyn ku yeelata dhibaateynta xuquuqul insaanka oo aad u wayn, Shan sano kaddib dibad baxyadii Xusni Mubaarak xilka lagaga tuuray.

160124103257_egypt_tahrir_square_624x351_getty_nocredit

Hay’adda waxa ay tilmaamtay in dhowaanahan laamaha amniga ay xoog ku galeen qiyaastii 500 oo kun oo guri oo ku yaalla qaahira.

Waxa ay baarayeen dad isu diyaarinaya inay jidadka isugu yimaadaan maanta oo isniin ah oo ku beegan maalintii la tuuray Mubaarak.

Amnesty waxa ay sheegtay in Masar ay isu badashay dalk Booliska ay maamulaan, ayadoo la xiray dad badan ama la qariyay, dhammaan isu soo baxyadana waala mamnuucay.