Maaryirka Saylac Xaaskiisa Oo Tooriyeysay Gabadh Askariyad ah Dhaawac Halis Ahna Gaadh Siisay

Salel(SLPOS) Boliiska Saylac ayaa xabsiga u taxaabay xaaska Maayarka Saylac, taasoo tooray la dhacday gabadh askariyad ah oo ka tirsan Booliiska Saylac taasoo ay soo gaadheen dhaawacyo loo dhigay cisbitaalka.

 images (3)

Wararka hordhaca ah oo naga soo gaadhaya dhacdadan ayaa sheegaya in askariyada iyo maayarku isku khilaafeen dhul ay degan yihiin qoysas ay Ka mid tahay askariyadu kaasoo uu maayarku doonayo in uu ka raro balse cabasho ay dadweynahaasi u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha gudaha lagaga joojiyey in maayarku ka raro.

Dhulka maayarku doonayey in uu dadka Ka raro ayaa ku yaala dhisme xisbigii hantiwadaaga kacaankii somaliya ku lahaan jiray Saylac, halkaas oo qoysas kala duwani dageen markii dalka la xoreeyey.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland