Marxuum Cabdillaahi Siciid Dheere oo Maanta Hargeysa lagu Aasay

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxaa Maanta si Heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Naasa hablood ee Caasimada hargaysa Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur-siyaasadeedka WADDANI Marxuum Cabdilaahi Siciid Dheere ,oo ku geeriyooday Shalay Galab shil baabuur oo ka dhacay meel shan KM dhinac Berbera ka xigta Magaalada Abdaal ee Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil.

Aaska waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Guddoomiye ku xigeenada Ururka WADDANI, Shir Gudoonka Golaha Wakiilada, Wasiirada Cadaalada, Duulista iyo Hawada, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga talada Haya ee Kulmiye, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Ururka Umada, Madaxweyne ku xigeenkii Hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yasiin, Agaasimayaal, Xildhibaano, xubno ka socday Ururada iyo Xisbiyada kale, Taraageeyaaasha Ururka WADDANI iyo boqolaal ka tirsan dadweynaha ku dhaqan Caasimada dalka ee Hargaysa.

Masuuliyiintii aaska ka soo qayb galay ayaa dhamaantood waxay tacsi u direen ehelkii, qarabadii, Ururka WADDANI iyo shacbiga reer Somaliland ee uu marxuumku ka baxay, waxanay ilahay uga baryeen in uu naxariistiisa ka waraabiyo samir iyo iimaana uu ka siiyo dhamaan umada Reer Somaliland gaar ahaan ehelada iyo Ururka WADDANI.

Marxuum Cabdilaahi Siciid Dheere waxa uu ahaa rugumada ugu miisaanka culus Madaxda Ururka WADDANI, waxaanu ka mid ahaa aas-aasayaashii dhidibada u aasay Ururka WADDANI isla markaasna dadaal iyo karti dheeraad ah ku bixiyay intii uu jiray Ururka WADDANI taas oo dadkii saaka aaska ka qayb galay ay qireen in Marxuum Cabdilaahi Siciid Dheere ahaa nin karti iyo fir-fircooni la saaxiib ahaa.

SOMALILANDPOST.NET