Marwada Madaxweynaha oo Furtay Kulan lagu gorfeeyey Dabargoynta Gudniinka Fircooniga iyo Guurka Hablaha aan qaangaadhka ahayn

HARGEYSA (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamuud JIrde (Aamina-Waris), ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furtay Kulan-hawleed lagu lafo-guray sidii wax looga qaban lahaa Gudniinka Fircooniga iyo Guurka hablaha ka hor wakhtiga qaan-gaadhka.

almis 10Kulan-hawleedkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Geeska, isla markaana ay gacan ka gaysteen hay’adaha UNICEF IYO UNFPA isla markaana shalay ku koobnaa, ayaa ku qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa marwada madaxweynaha ka sokow ka qayb-galay, Guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sheekh Almis Yaxye, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Saraakiil ka socatay hay’adaha UNICEF iyo UNFPA iyo marti-sharaf kale.

Ugu horreyn, waxa kulanka ka hadashay marwada madaxweynaha Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-Waris) oo mahadnaq ay u jeedisay Maamulka Jaamacadda Geeska iyo hay’adaha iska kaashaday qabsoomidda kulanka, waxaanay bulshada ugu baaqday in gebi ahaanba dhinac looga soo wada-jeesto loo dabarjari lahaa ku dhaqanka caaddooyinka Gudniinka Fircooniga ahi ka mid yahay, waxaanay soo jeedisay in dadka ku shaqaysta xirfadahan iyo bulshada wacyigelin badan loogu samayn lahaa si mustaqbalka fog loo gaadho ujeeddada laga leeyahay dabarjarista Gudniinka Fircooniga ah

Wasiir-ku-Xigeenka Shaqadda iyo Arrimahha Bulshada Marwo Shukri Xarriir Ismaaciil oo halkaas ka hadashay, ayaa sharraxday dhibaatooyinka dhinacyadda badan ee guddniinka fircoonigu u leeyahay bulshada gaar ahaan haweenka, iyada oo xustay in loo baahan yahay wacyi-gelin bulshada looga sameeyo caadadan oo ay xustay inaanay ku habboonayn Diinta Islaamka.

Waxaa iyaguna hadalo ka jeediyay masuul ka socotay ha’yadaha UNICEF oo ku dheeraatay khatarta uu leeyahay gudniinka Fircooniga ah iyo Guurka Hablaha aan qaandh-gaadhin.

Gebobadii kulanka, waxa khudbad dhinacyo badan taabnaysa ka jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sheekh Almis Yaxye X Ibraahim oo si faahfaahsan uga warramay saamaynta taban ee uu leeyahay Gudniinka fircooniga, waxaanu soo jeediyey in habka kaliya ee loo dabarjari karo dhaqankiisu ay tahay in la sameeyo kulamo wacyi-gelin ah oo lagu goobaha Waxbarashada. Sheekh Almis waxa uu caqabadaha hortaagan suulinta dhaqanka Fircooniga ku sababeeyey in bulshado aaminsan tahay inay waddamada Reer galbeedka dabada ka riixayaan qorsha lagu tirtiriyo, taas oo uu sheegay inay sababto dhibaatooyin ay bulshada kala kulmaan cidkasta oo ku tallaabsata wacyigelinta dabargoynta Gudniinka Fircooniga.

Waxa uu Sheekhu xusay in culimada Islaamka ee dunidu isku raaceen isla makaana si weyn uga soo horjeesteen Gudniinka Fircooniga. Waxa uu Sheekh Almis soo jeediyey in ka-midho-dhalinta qorshaha lagu suulinayo caadadan ay suurtoobi karto iyada oo bulshada qaybaheeda kala duwan u dhan tahay, sida culimada, ardayda, dhakhaatiirta iyo Aqoonyahanka.

SOMALILANDPOST.NET