Marwada Madaxweynaha iyo Wasiirro ka dhex-toosay gunaanadka Shir ay Qabsadeen Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Gobolka Gabiley

Gabiley (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Somalialnd, Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde oo ay weheliyaan Wasiirrada Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wershadaha Abiib Diiriye Nuur, ayaa dhex-toosay munaasibad lagu soo af-meeray Shirka horumarinta Gobolka Gabiley oo muddo saddex maal ah ka socday magaalada Gabiley.

WasiShirkan oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey degmada Gabiley ka socday oo munaasibadda gunaanadiisa maanta lagu qabtay magaalada Gabiley, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka gobolku meel uga soo wada-jeesan lahaayeen horumarinta gobolka, iyada oo qodobbo gunaanadii laga soo saaray lagu xusay in horumarka gobolka meel sare gaadhay muddadii xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay, loona baahan yahay sidii laysaga kaashan lahaa dhammaystirka inta ka dhiman.

Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde ka hadashey munaasibadda ka hadashay, ayaa sheegtay inay muhiim tahey sidii bulshada gobolku isaga kaashan lahayd horumarinta gobolkooda, iyada oo xustay in shacabka Gabiley Xukuumada Somaliland abaalkii ay gashadeen ee ay ku doorteen hore uga heleen, inta dhimanna ka helayaan.

Marwada Madaxweynuhu waxa ay dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Gabiley ku bogaadisay Shirka aayo-ka-tashiga horumarineed Gobolka Gabiley, waxaanay ugu baaqay inay aragti midaysan ka yeeshaan horumarinta gobolka.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwio Samsam Cabdi Aadan oo munaasibadda ka hadashay, ayaa dhankeeda xustay in Wax-qabadka iyo siyaasadda Xukuumadda ee gobolka Gabiley yihiin wax cad, iyada oo xustay inuu gobolka Gabiley ka mid yahay gobollada ugu badan wax-qabadka dhinaca waxbarashada.

Wasiirka Maaliayda Somaliland Cabdicasii Maxamed Samaale, aya si qoto dheer uga xog-warramey waxqabadyada kala duwan ee xukuumadda Somaliland ka hirgalisay gobolka Gabiley, isaga oo tusaale ugu soo qaatay dhismaha Waddada Wajaale ilaa Kalabaydh, xafiisyada Wasaaradaha Waxbarashada, Maaliyadda, Deegaanka iyo dhismayaasha Xarumo hay’adaha dawladdu leeyihiin oo wakhtigan gacanta lagu hayo. Waxaanu wasiir Samaale dhallinyarada u ballanqaadey inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan go’aamada shirka ka soo baxay.

Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Abiib Diiriye Nuur, Gudoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi (Shiine), Maayirka magaalada Gabiley Shucay Maxamed Muuse oo dhammaantood hadallo kooban ka jeediyey Madasha, ayaa ku dheeraaday muhiimadda Iskaashiga Aqoonyahanka iyo dhalinyaradu u leedahay horumarinta Gobolka, wakhtigana lagaadhey xiligii bulshada gobolka Gabiley isaga kaashan laheyd wax-qabadyada horumarineed ee gobolka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO