Marwada Koowaad Oo Deeq Dhar Ah Gaadhsiisay Haweenka Reer Ceel-Afweyn

????????????????????????????????????

Ceel-afweyn, (SLpost)- Marwada koowaad ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland Marwo Aamin Sheekh Maxamed Jirde (Amin-weris) oo ay wehelinayso Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan ayaa deeq isugu jirta Dharka Haweenka oo uu ku xardhan yahay Calanka Somaliland,  Koofiyado iyo agab kale ku wareejisay Haweenka degmada Ceel afweyn.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Waxaanay marwadu haweenka la qaadatay kulan balaadhan oo ujeedadiisu ahayd  dhiiri-gelinta iyo sidii ay dhankooda uga muuqan lahaayeen taageerada wadada Ceerigaabo oo waxqabad balaadhan laga geystay, iyo  dardar gelinta hawlaha degmada, maadaama ay yihiin haween firfircoon oo degmada Ceel afweyn ka geysta dedaalo badan.