Markab Sida Deeq Raashin Dowladda Turkiga ugu talogashay shacabka Somaliland oo Dekedda Berbera ku soo beegan, nooca iyo caddadkeeda

sad-3Mersin (SLpost)- Xukuumada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay mucaawino gaadhaysa shan kun oo ton, soo gaadhsiin doonto shacabka Somaliland, isla markaana markabkii siday ka soo shiraacday magaalada Mersin ee dalkaas.

Sida lagu faafiyey mareegta xafiiska Qunsulka Turkigu ku leeyahay Somaliland oo aanu warkan ka soo xigannay, ayaa  lagu sheegay in mucaawinaydaa oo u badan sonkor iyo daqiiq, iyo noocyada kale cuntooyinka la gaadhsiin doono dhamaan gobolada Somaliland.

Markabkan oo sida deeq mucaawino gaadhaysa 11 kun ton ayaa la sheegay in loogu talogalay wadamadda Somaliland iyo Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska Qunsulka Turkiga ee Somaliland, isla markaana waxa la sheegay in qeybinta deeqdaa masuul ka noqon doonto xukuumada Somaliland.

Dhinaca kale, hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa la sheegay inay xoolo gaadhaya 200 neef lo’a ah ku qaleen magaalada Hargeysa, isla markaana qoysas danyar ah oo gaadhaya saddex kun iyo afar boqol u qeybiyeen qoys walba shan kilo hilib ah.

Deeqdan hilibka ayaa la sheegay in loo qeybiyey qoysas ku kala nool degmooyinka Axmed-Dhagax, Xarunta Agoomaha, Xarunta Curyaamiinta , Cusbitaalka dadka maskaxda ka xanuunsanaya, xaafada Maxamuud Haybe, 31 May, iyo Gacan-libaax (Daami).

Deeqdan mucaawinada raashinka ee dalka Turkigu ugu talogalay shacabka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli bio horteed Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yuksel shaaca ka qaaday in dalkiisu dib u habayn ku sameeyey siyaasadoodii iskaashiga Somaliland isla markaana mashaariic kala duwan ka hirgelin doonaan ka mid yihiin dhismayaal wadooyin iyo xarumo caafimaad, loona baahan yahay in shacabku  samir u yeeshaan, inta mashaariicahaasi hirgelayaan.