Maraykanka oo Somaliland oo ka taageeraya Caqabad hortaagan Ganacsatada Dalka

Advertisement

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay meel fiican u marayaan heshiisyo Somaliland loogu furayo wada-shaqaynta Bangiyada Caalamka, waxaanu xusay in Maraykanku diyaar u yahay in uu Somaliland kala shaqeeyo dhinacyo badan.

Madaxweynaha oo la hadlayay jaalliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in sababta ay weftigiisa xubnaha uga ahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalku ay ahayd si ay Maraykanka ugala xaajoodaan in Somaliland loo furo suuqa ganacsiga caalamka, iyo wada shaqaynta baananka caalamiga ah sida Baanka Adduunka.

“Ra’yiga aanu isu soo raacnay wuxuu ahaa, waar dadkeenu wuu yar yahay, lacagna waynu haysanaa, ma baryootamaynee, waar Maraykanow lacagtaadii anaga haynee, xanimaadda lacagta aad leedahay ka qaad, haddaan annaga lana ictiraafsanayn, lacagta maan la ictiraafsanayn? Taasina meel aad iyo aad u wanaagsan ayay maraysa,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo Jaaliyadda Somaliland kula hadlay Washington DC oo Weftigiisu ku sugan yahay.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkooda guusha ugu wayn ee ay ka gaadheen ay tahay in Somaliland loo furo Isku-dirista Lacagaha Bangiyada, “Socdaalkan guushiisa ugu wayni waxa weeyaan, ictiraafka lacagta iyo baayac-mushtarka ayaynu gaadhaynaa intaynaan ka siyaasiga ah gaadhin, mar haddii dhaqaalahaasi inoo hirgalana dhibaato inteeda badan waynu ka baxnay”.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay diyaar u tahay in ay la shaqaysato Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxa aniga maanta goobjoog Alle iiga dhigay, oo aan xanuun walba oo la soo maray ku iloobayaa, dowladdii Maraykan, oo baarlamaankeedii iyo dowladdeediiba leedahay waynu isku baahanaye Somaliland-neey maxaynu wada qabsanaa”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waxyaabaha ugu waa wayn ee Somaliland ka iibsamay ay yihiin nabadda 30 sanno jirsatay, dimuquraadiyada iyo doorashooyinka, iyo mandaqada istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taallo.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland, waxa marka laga yimaaddo xubnaha golihiisa wasiirrada ku weheliya qaar ka mid ah Mulkiileyaasha iyo Maamuleyaasha Shirkadaha ugu waaweyn dalka oo ay ka mid yihiin Dahabshiil Group, Telesom Group, SomCable iyo Oomaar.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement