Maraykanka oo Sheegay in uu Leeyahay Twitter oo uu Kala Socdo Xagjirka

 

Washington (SLpost)- La-taliyaha warfaafinta ee wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka Molly Westrate ayaa mar ay dhowaan u warrantay talefishanka Al-Carabiya waxa ay sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku ay tobannaan bog oo kala magacyo ay ku leedahay bar-kulanka bulshada ee internet ka ee Twitter, ujeedadooduna ay tahay in lala socdo dhaq-dhaqaaqa argagaxisada iyo wararka ay shabakaddan marinayaan.

 

Westrate waxa ay sheegtay in bogaggani ay hoostagaan Xarunta xidhiidhada Istaraatijiga ah ee la dagaallanka argagaxisada, oo ah laan ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo CSCC.

Molly Westrate waxa ay sheegtay in bogaggan uu Maraykanku ku leeyahay internet ku ay ku hadlaan luuqado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Soomaaliga, Carabiga, Urduuga  iyo Xawsaha oo lagaga hadlo dalalka Chad, Niger iyo qaybo ka mid ah Nigeria.

Warkan waxa ay La-taliyaha warbaahinta ee wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku ku sheegtay in bogagga ay wasaaradda arrimaha dibaddu ku leedahay bar-kulannada bulshada ee internet ku ay aad u badan yihiin shabakado kala duwanna ka samaysan yihiin, waxaana maamula oo la socda qaybta la dagaallaka argagaxisada oo kaashanaya wakaalado kale oo dhinaca ammaanka ah, ujeedada loo sameeyeyna waxa ay ku sheegtay in ay la xidhiidho fashilinta isku dayada kooxaha xag-jirka ah ee sida Al-Qaacida iyo Daacish iyo Faracyadoodu ay ku dooayaan in ay askareeyaan dhalinyarada.

Ol’olahan barkulannada bulshada uu ka wado Maraykanku oo loogu magac daray Mar labaad ka fikir “Think Again” waxa kale oo uu Maraykanku u adeegsadaa in xogta iyo wararka la isu marinayo bar-kulannada bulshada ee internet ka loo gudbiyo masuuliyiinta isgaadhsiinta ee xukuumadda Maraykanka si looga shaqeeyo horjoogsiga farriimaha iyo sheekooyinka ay ururrada Islaamiyiinta ahi ku gudbinayaan shabakadaha bulshada iyo in Maraykanku uu ka qaato xog ka caawisa in uu kaga hortagi karo xidhiidh dhex mara kooxahaas iyo dadka Maraykanka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Molly Westrate waxa ay sheegtay in ol’olaha ‘Think Again’ ujeedadiisu ay tahay in ilayska lagu shido dadka ku waxyeellooba hawlgallada kooxaha Islaamiyiinta ah, waxaana shabakadahan oo ta Soomaaliga ahi ku jirto la soo geliyaa maragga ay dad hore uga tirsanaan jiray kooxahan oo ka baxay bixiyaan ee la xidhiidha dhibaatada ay dadka u geystaan iyo sida ay ka yeelaan kooxaha ku biiraya.

Sidoo kale waxa uu Maraykanku bogaggan u adeegsadaan in uu soo bandhigo khasaaraha dagaallada ka soo gaadha kooxaha xagjirka ah iyo duruufaha nololeed ee kooxahan iyo dadka ku nool dhulka ay haystaan, arrimahan oo dhammaantood qayb ka ah dagaal warbaahinta ah oo Maraykanku ku doonayo in uu ku niyadjabiyo cid kasta oo laga yaabo in ay ku fikirto ku biirista kooxahan.

Dagaalka internet ka ee Maraykanku kula jiro kooxaha uu argagaxisada u arkaa intan kuma koobna waxaana hore u jiray shabakado loogu tala galay in ay qabtaan war kasta iyo farrimaha si uun ay isugu gudbinayaan kooxaha iyo dadka laga shakisan yahay, waxaa iyaduna marar badan la ogaa shabakadaha xidhiidhka bulshada ee ay ka mid yihiin Faceoobk iyo twitter oo soo bandhigaya hadallo ay ku sheegayaan in sirdoonka Maraykanka iyo dalal kalaba ay si joogto ah uga codsadaan xogta dad bogag ku leh shabkadahan oo ay ka shakiyaan.

Dhowaan ayaa ay ahayd markii talefishanka Alcarabiya uu helay farriin mid ka mid ah bogagga twitter ee Maryakanku maamulaa uu ku qoray bog ay kooxda DAACISH leedahay oo twitter ka ah, farriintaas oo u ekeyd ka cadhaysiin iyo in dadka la tuso daciifnimada ururka ayaa waxa uu Maraykanku ku qoray su’aal ku socota bogga DAACISH si guudna ugu socota masuuliyiinta DAACISH, “Haddii Baqdaadi (Hoggaamiyaaha DAACISH) uu yahay Salaaxudiinkii casrigan, bal maxaa uu la dhuumanayaa. Halkee uu joogaa, ka jawaab?”

 

Source: Geeska Afrika