Maraykanka oo Qorshaynaya inuu Shirkadihiisa gaarka loo leeyahay u oggolaado Maalgeshi ay ku sameeyaan Kuuriyada Woqooyi

London (SLpost)- Dalka Maraykanka ayaa laga yaabaa in uu shirkadaha gaarka loo leeyahay u ogolaado in ay maalgashadaan Kuuriyada Waqooyi, sida uu Axaddii shalay sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo.

Waraysi uu siiyay telefeshinka Fox News, ayuu arrintaas sharaxaad kaga sii bixiyay wuxuuna sheegay in ay ku xidhnaan doonto in dalkaasi uu ka tanaasulo gabi ahaanba barnaamijkiisa nukliyeerka.

maraykan_kuuriyaWaxa uu sheegay in maalgashedeyaashu laga yaabo in ay gacan ka siiyaan dhismaha waaxda tamarta.

Arrintan ayaa timid ka dib markii uu booqsho ku tagay Pyongyang toddobaadkii hore, ka hor kulanka madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un ee ka dhici doona Singapore.

Maraykanka ayaa Jamcihii ku dhawaaqay in uu Kuuriyada Waqooyi ka caawin doono dhismaha dhaqaalahooda, laakiin Pompeo ayaa hadda faahfaahin ka bixiyay qorshahaas.

Meelaha uu carrabka ku dhuftay ee uu sheegay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay maalgashi ku samayn karaanna waxaa ka mid ah dhanka korontada isaga oo sheegay in baahi koronto oo wayn ay jirto.

Waxaa kale oo uu tilmaamay maalgashi dhanka beeraha ah, si buu yidhi dadka Kuuriyada Woqooyi “ay ugu suuragasho in ay hilib cunaan, nolol caafimaad lehna ugu noolaadaan”.

Pompeo ayaa sidoo kale Chris Wallace oo waraysanayay u sheegay in Kim uu sidoo kale niyad u hayo warbaahinta reer Galbeedka.

Markii Pompeo uu booqasho layaableh ku tagay Kuuriyada Waqooyi, Pyongyang ayaa ciwaannada caalamka qabsatay ka dib markii ay sii daysay saddex muwaadin oo Maraykan ah.

Mike Pompeo oo horray u soo noqday hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa dublamaasiyadda Maraykanka la wareegay ka dib markii bishii Maarso la eryay Rex Tillerson.

Trump iyo Kim ayaa lagu wadaa in ay markii koobaad waji ka waji isu horfadhiistaan 12-ka bisha June ee sannadkan.