Maraykanka Oo Loogu Baaqay Inuu Safaarad Ka Furto Hargeysa, Loogana Digay Inuu Dayaco Xidhiidhka Somaliland

Waxa Laga Digay In Maamulka Biden Uu Xiisanayo Xidhiidhka Muqdisho, Halka Koongareesku La Dhacsan Yahay Somaliland

 

Washington (SLpost) – Dr. Micheal Rubin oo ah khabiir Diblumaasiyadeed oo u dhashay Maraykanka, ayaa War-bixin dheer ka qoray dagaal ku socdo xidhiidhka uu Maraykanku la yeesho Somaliland, kaasi oo uu muddo dheer hirgelintiisa ka shaqaynayeen Xildhibaannada Labada aqal ee Koongarayska iyo Senat-ku.

Rubin wuxuu Maamulka Madaxweyne Joe Biden ee dalka Maraykanka ku eedeeyay inay doonayaan In hoos loo dhigo Qodobbbada khuseeya Somaliland ee ku jira Xeerka Difaaca Maraykanka, isagoo Maamulku doonayo inuu wanaajiyo xidhiidhka Soomaaliya.

Micheal Rubin wuxuu ka warramay khaladaadkii siyaasadeed ee ay hore u sameeyeen Madaxweyneyaashii hore ee Maraykanka, marka ay noqoto Xidhiidhka Somaliland.

Rubin ayaa yidhi “Koongaraska iyo Golaha Guurtidu waxay hadda wadaan Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka, ka hor inta aan loo dirin Madaxweyne Joe Biden si uu u saxeexo. Waa markii u horaysay qarankan yar ee Somaliland oo aan la ictiraafin (ku jiro Xeerka Difaaca Maraykanka). Sannadihii u dambeeyay, Somaliland waxay soo jiidatay dareenka Maraykanka sabab kasta oo sax ah darteed. Dalku waxa uu Shiinaha ku xujeeyay in uu aqoonsado Taiwan, hadalkaas oo ay madaxda Somaliland ula jeedeen in ay u gudbiyaan mabda’a ay Somaliland ku qanacsan yihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dimuquraadiyadda Somaliland, Somaliland waxay ka faa’iidaysataa iskaanka iris biometric si loo sugo doorashooyin dimuqraadi ah. Inkasta oo laga cabsi qabo in wakhtigan uu dib u dhac ku yimaaddo doorashada, haddana waxa uu dalku u muuqdaa mid ay ka go’an tahay qabashada doorashada Madaxtooyada ee sannadka soo socda. Waxa kale oo ay Somaliland ku guulaysatay inay ka fogaato aafooyinka musuq-maasuqa, dagaalka argagixisanimada ee ku habsaday deriskeeda.”

Wuxuu sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay ku biirto heshiiska loo yaqaano ‘Abraham’, waxaanu yidhi “Waxay diyaar u tahay inay ku biirto heshiiskii Abraham iyo inay Maraykanka siiso marin biyoodka Berbera iyo madaarka cusub ee dib loo cusboonaysiiyay, booskaas muhiimka ah oo sii kordhinaysa in Shiinuhu adkeeyo mowqifkiisa Jabuuti ilaa heer uu ku qasbi karo xidhitaanka saldhiga Maraykanka ee halkaas.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Nasiib darro, maamulka Madaxweyne Joe Biden ee Maraykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ku cadaadinaya dimuqraadiyiinta Aqalka Congress-ka inay hoos u dhigaan qodobnada Somaliland (ee ku jira Xeerka Difaaca Maraykanka) si ay xidhiidh wanaagsan ula yeeshaan Soomaaliya.  Sidaa darteed Koongarasku waa inuu iska indho-tiraa riixista Maamulka Biden.”

Dr. Micheal Rubin waxa kale oo uu sheegay “Maammulladii kala dambeeyay, ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, waxay doonayeen inay Somaliland lacagta u soo mariyaan dowlad dhexe oo Soomaaliya ka dhisan, si ay awood ugu siiso Madaxweynaha Soomaaliya inuu awood ku yeesho. Xilligii Madaxweyne Barack Obama, Mareykanku wuxuu balaayiin dollar ku bixiyay dib u dhiska Soomaaliya. Inta badan arrimahan ayaa dhacay xilligii dowladdii Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ee hadda xilka haya intii u dhaxeysay 2012 iyo 2017. Natiijadu waxay noqotay balaayiin doollar oo maqan, hay’adda Transparency International ayaa Soomaaliya ku tilmaantay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka warramay Cadaawaddii Safiirrada Maraykanka ee Soomaaliya u hayeen Somaliland “Donald Trump ayaa danjire Donald Yamamoto oo ah ku simaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika u magacaabay safiirka Soomaaliya. Waxay ahayd masiibo. Gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Yamamoto waxa uu caan ku ahaa in uu la tashado hoggaamiyeyaasha iyada oo aan loo eegin hab-dhaqankooda, taasi oo Jaho-wareer ku xidhiidhka oo noqday mid simay ka shaqsiyadeediyo horumarinta danaha Maraykanka, Soomaalidu nimanka caynkaas ah way ku ciyaaraan oo nacasyo ayay ku sheegaan.

Argagaxisada ayaa qaraxday, iyadoo Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu xilligaa kaalmada dhanka amniga ee Mareykanka u adeegsaday beegsiga siyaasiyiinta kasoo horjeeda, halka Taliyaha Sirdoonka Fahad Yaasiin uu xidhiidh dhow la sameeyay argagixisada Al-shabaab.

Farmaajo ayaa sidoo kale doonayay in uu xidhiidh dhow la yeesho Itoobiya iyo Ereteriya, isaga oo gaadhay heer uu u ogolaado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo kaligii-taliyaha Eritrea Isaias Afwerki in ay soo jiitaan ciidammada Soomaaliya ololaha xasuuqa ah ee ka dhanka ah Tigrayga.

Larry André, Jr. oo hadda ah safiirka Maraykanka, ayaa laba jibaaray siyaasadda Yamamoto, isaga oo diiday in uu cagta saaro Somaliland, marka laga reebo muddo kooban markii lagu qasbay inuu taliyaha Maraykanka ee AFRICOM uu Berbera u raaco. Cadawtinimada Somaliland ee uu muujiyay Yamamoto iyo ta beryahan dambe ee André, waa mid la yaab leh marka loo eego taariikhda Soomaaliya. Inkastoo balaayiin doollar lagu taageeray doorashada Soomaaliya, haddana Soomaaliya weli kama dhicin doorasho hal qof iyo hal cod ah. Taa beddelkeeda, waxaa shir isugu yimid koox is-doortay oo aan ka badnayn 350 oday-dhaqameedyo iyo saraakiil caan ah si ay u doortaan madaxweyne cusub. May 15, 2022, waxay Xasan Sheekh Maxamuud ku celiyeen Villa Somalia. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga yaabaa in uu sameeyo muuqaal ka wanaagsan kii Farmaajo, balse calaamadaha digniinta ayaa aad u badan.

Wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Barre, oo muddo dheer gacan-yare u ahaa, taasoo keentay inuu dhiso maamul ka tarjumaya dadaal yar iyo hammi kalitalisnimo.”

Dr. Rubin waxa kale oo u ka warramay; “Markii afhayeenka aqalka Congress-ka Nancy Pelosi ay u safartay Taiwan, maamulka Xasan Sheekh Maxamuud waa uu ka aamusi karayey, balse taa beddelkeeda wuxuu doortay inuu la safto Beijing. In qaar ka mid ah Congress-ka ay dib u dhigi doonaan isaga marka lagu jiro xaaladahan oo kale waxay soo jeedinayaan jahawareer istiraatiiji ah.”

Dr. Micheal Rubin wuxuu ku baaqay, “In yar waa in la ictiraafo Somaliland, waa in wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanku ay xafiis ka furato Somaliland.

Waxaa jira horudhac tan la xidhiidha Taiwan, halkaas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka shaqeyso safaarad dahsoon, xitaa iyadoo ilaalinaysa khiyaalka Siyaasadda ah ‘Hal Shiine’. Markaa waxa la joogaa wakhtigii dib loo eegi lahaa siyaasadda Maraykanka ee Somaliland, gaar ahaan marka la eego rabitaanka Pentagon-ka. Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waa inay dabooshaa tobanaan sano oo siyaasad fashilantay ah,” ayuu yidhi Michael Rubin.