Maraykanka Oo Ka Hadlay Sheekhii Shiicada Ahaa Ee Sucuudigu Dilay

US(SLpoat)-Mareykanka, ayaa ka hadlay sida gaarka ah ee uu uga walaacsan yahay dilka Sheekh Nimr Al-Nimr, wuxuuna ugu baaqay hoggaamiyayaasha gobolka oo dhan inay labanlaabaan dadaaladooda ay xiisadda ku yareynayaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa sheegtay in dilka uu qatargeliyay xiisadaha diimeed ee sii xumanaya waqti ay sheegeen inay deg deg ugu baahan yihiin in la yareeyo.

160103092734_shiite_muslim_cleric_nimr_al-nimr_640x360_afp_nocredit

Waxay ku adkeysay Sacuudiga inay ixtiraamaan xuquuqda aadanaha, ayna ogolaadaan in si nabad ah lagu muujiyo kala duwanaashaha.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa sheegay in dilka uu aad u taabtay isagoo ku baaqay daganaasho.