Maraykanka oo bilaabay Qorshe uu ku dhimayo Kharashaadka Miisaniyaddiisa

Washington (SLpost)-Dowladda Maraykanka ayaa shalay ku dhawaaqday bilowga qorshe lagu dhimayo miisaaniyad dhan $85 billion oo si iskeed ah uga go’aysa hay’addo ka tirsan dowladda kadib markii aqalka Odayaashu uu hor-istaagay sharciyo arrintaasi laga baaqsanayo.

Mudaneyaasha Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa diiday qorshe ay Jamhuurigu wateen oo madaxweynaha siin lahaa dabacsanaan badan si uu go’aan uga gaadho halka uu ka yaraynayo kharashka.

Barack ObamaDhinaca kalena, Jamhuuriyiinta ayaa iyaguna diiday talaabo ay wateen Dimoqraadiyiinta si loogu beddelo qorshaha dhimista isla markana cashuur kordhin lagu sameeyo dadka lacagta leh iyo in meesha looga saarayo taageerada la siiyo qaar ka tirsan beeralayda.

Madaxweyne Obama ayaa aqalka cad ku martiqaaday hoggaamiyayaasha Congress-ka si ay arrintan wadaxaajood uga yeeshaan.

Madaxweyne Obama waxa uu ka digay in dhimista miisaaniyaddan ay dhaawici doonto dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale ay saameyn doonto dhaqaalaha caalamka sida ay sheegtay hay’adda lacagta Adduunka ee IMF.

SOMALILANDPOST.NET