Maraykanka oo Aqoonsi Dhaqaale Siiyey Somaliland iyo Madaxweynaha oo Sharxay

Advertisement

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka xog-warramay heshiisyo ay dowladda Maraykanku u oggolaatay inay si gaar ah ugula macaamisho dowladda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin in Ganacsiga dalka loo furo suuqyada caalamka.

Madaxweyne Muuse Biixi oo waraysi dhinacyo kala duwan siiyey Cabdixakin Maxamuud Shirwac oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka Taiwan, wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland; iyo in Itoobiya iyo Somaliland ay ka wada hadleen dekeda Saylac.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay saamaynta Shiinaha ee xidhiidha Taiwan, inay Somaliland diyaar u tahay inay bixiso saldhig milatari iyo inay Itoobiya Somaliland kala hadashay dekedda magaalada Saylac.

Advertisement

Muuqaalka Hoose kaga Bogo waraysiga madaxweynaha

Advertisement