Marakaykanka oo Xoojiyey Ammaanka Diyaaradaha Sida Tooska ah uga yimaadda Qaaradda Yurub iyo Sababaha Keenay

London (SLpost)- Waxa la adkeeyey ammaanka duullimaadyada diyaaradaha u socdaalaya Dalka Maraykanka ee Madaarrada qaar ka mid ah waddamada Qaaradda Yurub.

Tallaadabada lagu xoojinayo ammaanka duullimaadyada diyaaradaha u safraya dalka Maraykanka, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo warbaahinta Maraykanku maalmihii u dambeeyey qorayeen warar la xidhiidha qorshe ay damacsan yihiin Kooxaha Xag-jirka ah ee ka hawl-gala Dalalka Suuriya iyo Yemen inay falal af-duub iyo is-qarxin ah ku fuliyaan duullimaadyada diyaaradaha sida toos ah isaga dhex-goosha dalalka Qaaradda Yurub iyo Maraykanka.

ammaankaHay’adda Ammaanka Gudaha u qaabilsan USA ayaa sheegtay inay dedaallo dheeraad ah ka galayaan xoojinta Ammaanka Madaarrada dalalka dibadda ee duullimaadyada tooska ahi uga tagaan Maraykanka. Waxaanay sheegtay in tallaabadan sida ugu dhaqsaha badan loo qaadi doono maalmaha soo socda.

Hay’adda Ammaanka gudaha ee Maraykanku si cad uma sheegin waddamada ay arrintani saamayn ku yeelanayso iyo sababaha kallifay go’aan-qaadashan. Sidoo kale lama oga in tallaabadani ku koobnaanayno muddo cayiman iyo inay saamaynayso madaarrada ku yaala dalka Maraykanka.

Haseyeeshee, waaxda Gaadiidka ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay inay qayb ka yihiin dalalka qaaradda Yurub ee hawl-gallada dhinaca xaajinta ammaanka sida gaar ah isha loogu haynayo.

“Waanu kala hawl-gali doonaa tallaabadan oo kolley tushuush ku furi doonta dadka socdaalka ah,” sidaa waxa yidhi Xoghayaha Gaadiidka Jen Johnson oo arrintan ka soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay mawqifka dawladda Ingiriisku ee ku aaddan xoojinta ammaanka duullimaadyada sida tooska ah u tagaya dalka Maraykanka.

garoomada diyaaradahaShakiga dalalka reer Galbeedka ee dhinaca Ammaanka, ayaa ka dambeeyey ka dib xogo hoose oo laga helay hawl-gallo ammaanka ka dhan ah oo la sheegay inay iska kaashanayaan Kooxda Al-Nusra Front ee ka dagaalanta dalka Suuriya iyo Kooxda Xarunteedu tahay dalka Yemen oo labadoodaba lagu sheego inay xidhiidh la leeyihiin Urur-weynaha al-Qaeda, kuwaas oo la rumaysan yahay inay qorshaynayaan hirgelinta Walxo Qarxaya oo qalabka baadhitaanka ee madaarrada aan lagu dareemi karin, kaas oo la sheegay ay doonayaan inay u tahriibayaan Maraykanka si ay gudihiisa uga fuliyaan qaraxyo, sida lagu daabacay qaybo badan oo ka mid ah warbaabinta dalkaas.

SOMALILANDPOST.NET

CONTACT@SOMALILANDPOST.NET