“Mar haddii laba sanno oo hore inagaga lumeen… Jidka kaliya ee innoo furan waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururrada Siyaasadda” – Madaxweyne Biixi

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa mudaneyaasha Goleyaasha Baarlamaanka ku war-geliyey inuu dhawaan u soo gudbin doono wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Furitaanka Ururrada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.

Madaxweyne Biixi oo maanta khudbad-sannadeedka dastuuriga ah ka jeediyey fadhi ay isugu yimaaddeen laba Gole baarlamaan, waxa uu sheegay in diidnimada xisbiyada mucaaradku ka muujiyeen inay doorashooyin dalka ka qabsoomaan labadii sanno ee u dambeeyey sababo la xidhiidha khilaafka ka taagan sharciyadda guddiga doorashooyinka cusub iyo kuwii hore ee la beddelayba ay lumiyeen wakhtigii dalka laga qaban lahaa doorashooyin, sidaas awgeed jidka kaliya ee xilligan furani yahay sidii loogu diyaar-garoobi lahaa furitaanka ururrada siyaasadda.

Madaxweynaha oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, shantii sanno ee kasta waa in Shacabka JSL u dareero doorasho uu ku soo doorto Golayaasha iyo Hoggaanka Dalka. Muddadii labada sanno ahayd ee Xukuumaddu xilka haysay, waxa ay dadaal ugu jirtay sidii doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanku u qabsoomi lahaayeen. Waxaanu diyaarinay kharashkii lagu gali lahaa doorashooyinka isku-sidkan, wixii kaga aadanaa Xukuumadda.

Xisbiyada Mucaaradka ah laba sanno waxa ay diidanaayeen in uu doorasho qabto Komishankii jiray. Markii wakhtigiisii dhammaaday, waxa la soo magacaabay Komishan cusub oo soo maray jaran-jarooyinkii sharci ee loo baahnaa. Hase yeeshee, labada Xisbi Mucaarid ayaa haddana diiday in ay doorasho qabtaan Xubnihii Komishanka doorashooyinka Qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Fulinta iyo Golaha Wakiillada, Maxkammadda Sarena dhaarisay.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.

Waxa aan idiin soo gudbin doonaa dhawaan Kaabista iyo Wax-ka-bedelka Xeerarka arrintaasi khuseeya, waxaanan rajaynayaa in aad waajibaadkiina dastuuriga ah ka gudan doontaaan.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpos.net

editor@somalilandpost.net