Kooxda Manchester City oo u Gudubtay Final-ka Koobka FA Cup

London (SLpost)- Kooxda Manchester City, ayaa u gudubtay Final-ka Koobka FA Cup ka dib markii ay 2-1 kaga badisay kooxda Chelsea Kulan Caawa ka dhacay garoonka Wembley ee magaalada London, iyada oo Koobkani yahay rejada kaliya ee xilli-ciyaareedkan u hadhsan  Kooxdan Qaniga.

Man city_chelseaManchester City oo inta badan saacaddii ugu horreysay gacanta ku haysay ciyaarta, ayaa hoggaanka ku qabatay 2-0 ay u kala saxeexeen Xiddigaheeda Samir Nasri iyo Sergio Aguero, ka hor intii aanu rejada Chelsea soo celin weeraryahankeeda Muslinka ah ee Demba Ba oo daqiiqaddii 66aad Gool qurux badan ku hubsaday shabagga kooxda Manchester City.

Natiijadaasi waxa ay Guul-dirqi ah u suurto-galisay City, in kasta oo Demba Ba uu khasaariyey fursaddii u wanaagsanayd ee Kooxdiisu kula barajayn lahayd ka dib markii daqiiqado yar ka dib Goolkiisii hore uu Meel goolka City aad ugu dhow Kubbad shuud ah oo uu ka laaday, haseyeeshee waxa ku beegay gool-haye Costel Pantilimon oo si fudud u qabtay.

Manchester City ayaa loo rejaynayaa guusha Koobkan maadaama ay Final-ka isku beegmeen kooxda Wigan oo Maalintii shalay 2-0 kaga badisay Kooxda Millwall.

Dhanka kale, Rejada Kaliya ee koob ay Chelsea ku guulaysato ayaa ah Tartanka Europa League oo wakhtigan marxaladdiisu marayso Semi-final ay isku soo hadheen Afarta Kooxood ee Chelsea, Basel oo Switzerland ah, Benfica oo Portugal ah iyo kooxda Turkiga ah ee Fenerbahçe.

sports@somalilandpost.net