Malleeshiyaadka Huwanta ah ee Laascaanood Oo Isu-diyaarinaya Weerar ay Ku Qaadaan Fadhiisimada Ciidanka Qaranka

Advertisement

Laascaanood (SLpost)- Xogo sirdoon oo caawa laga helay magaalada Laascaanood, ayaa tibaaxay inuu magaaladaas ka jiro dhaq-dhaqaaq Ciidan oo isu-diyaarinaya sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee duleedka Laascaanood oo uu ku jiro saldhigga ugu weyn ee Gooja Cadde.

Xogahani waxay tibaaxeen in malleeshiyaadka Huwanta ah oo maanta ay soo gaadheen gurmad ciidan oo la sheegay inay ka yimaaddeen Kismaayo, ay ka faa’idaysanayaan Cimilada oo roobban isla markaana ay doonayaan inay saqda Dhexe ee habeenimada Caawa weerar ku ekeeyaan saldhigyada Ciidanka.

In kasta oo maleeshiyaadka Huwanta ah Jab Xooggani ka soo gaadhay dagaalkii shalay, waxa ay xogaha sirdoon ee la helay sheegayaan inay wax ka beddeleen qaabkii ay weerarrada ugu qaadi jireen ciidanka Qaranka, waxaanay gebi ahaanba meesha ka saareen inay kaxaystaan wax tikniko si aan loo dhaadin isla markaana ay Fadhiisimada Ciidanka ku galaan iyagoo Afan-tari ah (Ciidan Lugaynaya).

Advertisement

Weerarka ay maleeshiyaadka Huwanta ahi qorsheyeen Caawa, ayaa la tilmaamay inuu yahay Kii ugu dambeeyey ee ay ku qaadaan Xerada Gooja Cadde.

Si kasta oo ay tahay, Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa la tilmaamay inay la socdaa dhaq-dhaqaaqyada malleeshiyaadka, iyadoo ciidanku maanta soo bandhigay Awoodo Tiknoolajiyeed oo u saamaxaya inay soo Af-jaraan dhaq-dhaqaaqyada Maleeshiyaadka.

Taliska Ciidanka Qaranka ee Gooja Cadde, ayaa caawa soo bandhigay Muuqaallo lagu Duubay Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn ee Drones-ka, kuwaas oo lagu soo bandhigay dhaq-dhaqaaqyada malleeshiyaadka oo isu diyaarinaya inay weerarraan Ciidanka Qaranka iyo marka ay dagaalka ku jabaan ee Ciidanku Baacsado oo ay Gabbood ka dhiganayaan Guryaha Shacabka iyo Masaajiddada magaalada.

Dagaalka 18-kii bishan March dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyaadka Huwanta ah oo soo weeraray Fadhiisimada Ciidanka, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay dagaalkii ugu khasaaraha badnaa labada dhinacba, iyadoo la sheegay inay malleeshiyaadka huwanta ah dagaalka kaga geeriyoodeen in ka badan 350 Askari halka tiro ka badan 700 Qof ka dhaawacmeen.

Dhinaca Ciidanka Qaranka, waxa la sheegay inay geeriyoodeen 18 Askari halka Dhaawacana la sheegay inuu gaadhayo 48 Askari.

La Soco Wixii Warar Ah ee soo kordha……

Advertisement