Maleeshiyaadka Laascaanood oo Weerar Ku Qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland

Burco (SLpost) – Maleeshiyaadka Huwanta ah ee Isku urursaday Laascaanood, ayaa duhurnimadii maanta weerar ku qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranka ku leeyihiin Duleedka Galbeed ee magaalada Laascaanood, gaar ahaan Buuraha Xargaga.

Dagaalka oo ku bilaabmay Tuur-tuuris ay labada dhinac weydaarsadeen, kaddib markii maleeshiyaadku fadhiisimada Galbeed ee Ciidanka Qaranka ku garaaceen hoobiyeyaal iyo jawaabo Ciidanka Qaranku ka bixiyey, ayaa si rasmi u bilaabmay duhurnimadii oo maleeshiyaadku weerar ku ekeeyeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Galbeedka magaalada Laascaanood, gaar ahaan Buuraha Xargaga.

Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee Buuraha Xargaga ayaa ah goob istaraataji ah oo marin u ah Sahayda iyo Gurmadka Fadhiisada Ciidanka Qaranka ee Bariga Laascaanood, gaar ahaan Taliska Goojacadde, waxaanay malleeshiyaadku muddooyinkii u dambeeyey qorsheynayeen sidii ay u qabsan lahaayeen marinkaas.

Toddobaadkii hore ayaa Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland Guutooyin Ciidan ah oo dheeraad ah ku soo kordhiyey Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee Galbeedka Laascaanood, kaddib markii laga war-helay dhaq-dhaqaaqyada Maleeshiyaadka oo tiraba dhowr jeer ku jabay weeraro ay ku qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Bariga Laascaanood.

Wararka aanu ka helayno Aagagga Laascaanood, ayaa sheegay in maleeshiyaadku weerarka soo qaadeen duhurnimadii maanta kaddib markii khasaare ba’ani ka soo gaadhay jawaabo Ciidanka Qaranku ka bixiyey weerarro hoobiyeyaal ah oo Maleeshiyaadka huwantu soo qaadeen subaxnimadii saaka.

Wararku waxay intaas ku dareen inay Ciidanka Qaranku dhirbaaxo ku dhufteen malleeshiyaadka oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Wararku waxay intaas ku dareen in maleeshiyaadka Huwanta ah ee weerarka soo qaaday ay Ciidammada Qaranku gacanta kaga dhigeen maxaabiista iyo gaadiid dagaal.

La Soco wixii warar ah ee soo kordha…….