Maleeshiyaadka Laascaanood Oo Hub Cusub Ku Weeraray Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Dhirbaaxo Kulul Kaga Jawaabay

Laascaanood (SLpost)- Maleeshiyaadka Huwanta ah ee Isku Urursaday magaalada Laascaanood ayaa Caawa weerar duqeyn ah ku Weeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland ee duleedka magaalada.

Maleeshiyadka Oo Weerarka qaaday fiidnimadii Caawa, ayaa isticmaalayay hubka madaafiicda Goobta oo ay la bartilmaameedsadaeen fadhiisimada Ciidanka, waxaana la rumaysan yahay in hubka ay caawa isticmaaleen yahay saanad milatari oo la soo gaadhsiiyey maleeshiyaadka.

Ciidanka Qaranka ayaa jawaab culus ka bixiyey weerarka maleeshiyaadka, waxaanay madaafiicda iyo hubka waaweyn noocyadiisa ku garaaceen goobo ay maleeshiyaadku ka weerareen Ciidanka Qaranka.

Dagaalka ayaa joogsaday kaddib markii maleeshiyaadku u adkaysan waayeen Jawaabta Ciidanka Qaranku ka bixiyey oo sababtay inay maleesiyaadku joojiyaan hubkii ay ku garaacayeen fadhiisimada Ciidanka.