Maleeshiyaadka Huwanta ah ee Laascaanood oo Weerar Ku Qaaday Ciidanka Qaranka iyo Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Oo War Ka soo saartay Weerar kooxaha Huwanta ah saaka ku soo Qaadeen fadhisimada ciidanka Qaranka ee duleedka Laascaanood.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland, ayaa lagu sheegay ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo maleeshiyo beeleedka Huwanta ah ee ku sugan Laascaanood oo taageero ka helaya kooxo argagixiso ah ay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Duleedka Laascaanood Abaaro 4:30Am subaxnimo.

War-saxaafadeedka xukuumadda Somalilanď soo saartay, ayaa u qornaa:-“Kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinaca bari Magaalada Laascaanood.

Advertisement

Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer.

Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi.
Dagaalkan saaka ay soo qaadeen Ciidamada Puntland iyo kooxaha Argagixisada ah ee isgarabsanaya ayaa ahaa mid muddooyinkii u danbeeyey laga shaqaynayey abaabulkiisa meelo badana la isaga yimi, ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabay weerarkan ay soo qaadeen Puntland iyo huwanta la socotaa”, sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On