Magacyada Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Wakhtiga uu qabsoomayo oo la shaaciyey

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Talada dalka Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa maanta magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha 4aad ee Xisbiga oo inuu qabsoomo loo muddeeyey bisha June 2020-ka.

War- uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu shaaciyey magacyada Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye oo tiradoodu ka kooban tahay 14 xubnood.

War-saxaafadeedka oo lagu socodsiiyey Guddoomiye Ku-xigcenla Koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye Ku-xigcenla saddexaad ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye Ku-xigcenla 4aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu madaxweynuhu magacaabista Guddiga Qaban-qaabada shirka u daliishaday go’aan ka soo baxay Shir ay isugu yimaaddeen Guddiga Fulinta ee xisbiga 28-kii January, 2020-kii iyo isagoo raacaya farqadda 3aad ee qodobka 16aad ee Xeerka Xisbiga Kulmiye.

Magacyada Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha 4aaad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa kala ah sida hoos ku qoran:-

1. Cabdkariim Axmcd Maxamed
2. Dr. Maxamed Cabdi Carabayte
3. Axmed Faarax Caddarre
4. Cali Xaamud Jibriil
5. Cali Maxamed Cali
6. Axmcd Cabdi Kijaandhe
7. Maxamcd Cabdilaahi Cabsiiye
8. Maxamed Ibraahim Madar
9. Axmcd Nuur Faahiye
10. Khadra Jaamac Koosafaare
11.  Maxamed Muuse Abees
12. Faysal Cumar Madar
13. Ismahaan Jaamac Teneg
14. Naasir Ayjeex Jaamac

War-saxaafadeedka madaxweynuhu ku magacaabay Guddiga Qaban-qaabada ee Shirweynaha Xisbiga, ayaa lagu shaaciyey shir-jaraa’id oo uu gelinkii dambe ee maanta xarunta Kulmiye ku qabtay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere.

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net