Magacaabistii Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe Sadex aan wada socon: Qormadii: 4aad

Guddoomiyaha DAWAN

Mudadii  uu Wasiirka cusubi ku gudo jirey   hawshii  daraasada iyo qiimaynta ahayd ee uu Wasaaradda ku samaynayey,  waxaanu dhamaantayo ula shaqaynay si daacadnimo ah, isla markaana waxaanu ku dadaalnay in aanu waax kasta iyo qayb kasta oo Wasaaradda ka mid ahba ka siino warbixin dhamaystiran   oo la xidhiidha  shaqada ay  Wasaaradda ugu xil saaran tahay, shaqaalaha ka hawl gala tiradoodu inta ay dhantahay, waxa ay qalab haysato iyo waxa ka dhiman ee ay u baahantahay. Waxa kale oo aanu xog fiican ka siinay wixii caqabado ahaa ee  hor taagnaa habsami u socodka shaqada Wasaaradda.    Markii aanu waxaas  oo dhan u gudbinay waxaa naga dhacay culays faro badan oo markii hore na saarnaa. Wasiirkuna waxa uu si rasmi ah u bilaabay shaqadii Wasaaradda iyada oo aanay jirin wax xog ah oo Wasaaradda ugu laabani.  Markaas ka dib maxaa hadaba dhacay?   Iyada oo aan run ahaantii  qormo, laba iyo saddex midna lagu soo koobi karayn  wax kasta oo markaas dhacay, ayaa waxaan ku dadaali doonaa in aan qormooyinkan ku soo qaato qaar arimahaas ka mid ah.  Arinta ugu  horaysa waxyaanihii dhacayna waxa ay ahayd Wasiirkii cusbaa oo halkii aanu shaqo iyo wax qabad ka sugaynay ka badin waayey   subaxdii   marka uu xafiiska yimaado in uu deg deg u galo Internet-ka, kuna sheekaysto shebekada facebook-ga ilaa laga gaadhaya wakhtiga rawaxaada.

Maalmihii hore marka aanu aragno isaga oo Internet-ka ku jira waxaanu moodi jirney in uu shaqo muhiim ah Internet-ka u galay. Koleyba anigu waxaan is odhan jirey Wasiirku maadaama uu hay’adaha u shaqayn jirey waxuu la xidhiidhayaa hay’addo caalami ah oo  Wasaaradda caawiya, ama waxa uu ka baadhayaa qalab  Wasaaraddu u baahan tahay oo aan wadanka oolin.

 Xaqiiqaduse waxay ahayd mid sidaa ka duwan waxaana muddo ka dib noo cadaatay in aanu   internet-ka  u gelin wax sheeko ka badan. Waxa kale oo waxyaabihii dhacay ee aanu Wasiir Boobe ku aragnay ka mid ahaa in aanu ku dhegaysan marka aad ugu tagto in aad kala hadasho arin aad u muhiim ah oo  shaqada  ku saabsan. Balse uu si fiican kuu dhegaysanayo haddii aad u sheegayso waxyaabo ku liddi ah kolba qofkii uu isagu neceb yahay. Waxaana dhacday  in qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaraddu ay si fiican u fahmaan  waxyaabaha uu jecel yahay Wasiirku in looga sheekeeyo.  Taasina waxay keentay in xafiiskii Wasiirku noqdo meel had iyo jeer aad u mashquulsan, oo ay adagtahay sida aad ku gashaa.

Halkaasna waxaa ku lumay shaqooyin farro badan oo ummadda loo qaban lahaa. Sidoo kale waxa ay niyad jab ku keentay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda intoodii  shaqadda iyo wax qabadka diyaarka u ahayd.

Dhibaatada ku saabsan  la kulanka Wasiirku  inkasta oo ay ahayd mid ay wada qabeen Agaasimeyaasha iyo madaxda  qaybaha kala duwan ee Wasaaraddu aniga waxa ii dheerayd xafiiskayga ayaa waxuu ku yaallay meel kale oo weliba aad uga fog xayndaabka Wasaaradda.  Sidaa awgeed markii aan marar faro badan aniga oo hawlo muhiim ah u socda ku hungoobay in aan u galo  Wasiirkii oo xafiiskiisa fadhiya, isla markaana aan ku mashquulsanayn hawl ka muhiimsan mida aan ugu imid

ayaa waxaan go’aansaday in aanan wakhti badan iskaga lumin u tegidiisa, waayo ma jirin wax ii damaanad qaadayey in aan la kulmi lahaa haddii aan u tegi lahaa. Markaa waxaan ku dadaali jirey in aan qabto wixii shaqo ah ee awoodaydu ii saamaxdo. Wixii intaas dhaafsiisan ee aan qaban kari waayona waxaan ula tegi jirey Agaasimaha guud oo run ahaantii markasta si xilkasnimo leh oo ay wadaniyadi ku jirto wax iila qaban jiray. Labadii Agaasime guud ee mudadii uu Boobe Wasiirka noo ahaa Wasaaradda u kala dambeeyeyna arintaas way ka sinaayeen oo si wanaagsan ayay labadooduba iila shaqayn jireen.

Madaxda kale ee qaybaha Wasaaradduna waxay qaarkood ii sheegeen in ay faraha ka qaadeen la xidhiidhka iyo u  tegida Wasiirka. Waxaana xusid mudan maalina ha ahaatee mudadii uu xilka Wasaaradda hayey in aanu madaxdii Wasaaradda ee la shaqaynaysay u qabanin wax shir ah oo lagaga arinsanayo shaqadda

Hadaba iyada oo Wasiirku shaqadiisii sidaa u gabay, ayaa hadana waxaa dhacday in uu isku raro, kuna murmo shaqo kale oo aan ku jirin hawshii xilkeeda loo magacaabay. Waxaanu sheegtay xil kale oo ah Af-hayeenka rasmiga ah ee xukuumadda.  Taasina anaga iyo cidii kale ee ka war haysay in aanu shaqadiisiiba wax naf leh ka qabanin waxay ku noqotay arin yaab leh. Waayo qofku marka uu hawshiisa ka adkaado ayuu mid kale wax ka qabtaa.

Hase ahaatee Boobe wax qabad uma jeedin ee ku  muranka xilkaas kale waxuu ka ahaa laba arimood oo kala ah xil balaadhsi iyo magac raadis, waayo waxuu ahaa shakhsi aanay isku kalsooniduusu badnayn, una muuqday in uu isagu is laftiisu is  raadinayey.

Si kastaba ha ahaatee arimahaas iyo kuwo kale oo aanan halkan ku xusin ayaa waxay si aad ah u dhaawaceen waxyaabihii ay dad farro badani markii hore ee la magacaabay ka aaminsanaayeen. Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo guray wax qabadkii laga in uu Wasaaradda ku soo kordhin doono .

 La soco…………………