Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 15aad

Guddoomiyaha DAWAN

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Baabuurkii wasiir Boobe markuu na dhaafay ee  uu ka baxay albaabkii madaxtooyada ka baxay. Ayaanu mar keliya is wada eegnay dhawrkayagii qof ee aanu meesha wada taagnayn. Waayo mid kasta oo naga mid ahaaba waxuu gaarkiisa u dareemay in aanay xaaladii aanu Boobe ku arkaynay ahayn xaalad caadi ah. Dabadeedna waxaanu bilawnay in aanu dib isaga waraysano wasiirka waxa ku dhacay. inkasta oo aanu run ahaanatii  jirin qof naga mid ahaa, oo ka war hayey waxa ku dhacay.  Hadana qaar naga mid ahaa ayaa yidhi waxaanu u malaynaynaa in warqadii xil ka qaadida loo soo dhiibay. Qaar kalena waxay   ku doodeen in aanay arrintu xil ka qaadis ahayn, ee ay wasiirka dhibaato taas ka weyni ka muuqatey. Si kastaba wax ha u jiraane ugu dambaystii waxanu isku wada raacnay in aanu ninkaasi caadi ahayn, ee ay wax weyni ka  khaldanaayeen.

Wax yar ka bacdi waxaa nagu soo biiray, oo halkii aanu taagnayn nooguu yimi Agaasimaha waaxda farsamada Axmed Saleebaan Weyne iyo laba nin oo kale. Kuwaasoo   iyagana    uu  Boobe soo  ag maray markii uu madaxtooyada ka soo baxay, dabadeedna sidayadii oo kale iyaguna markiiba  u dareemay in aanu jawigiisu caadi ahayn.  Nimankaas mid ka mid ahina waxuu nagu yidhi. “ Wasiir Boobbe  markii  ugu horeysay ee uu albaabka xafiisyada madaxtooyada ka  soo baxay ayaan wejigiisa arkay in jawigiisa iyo shucuurtiisuba aad uga duwan yihiin, sidii ay  ahaayeen  markii hore ee uu madaxtooyada gelayey”. Dabadeedna in cabaar ah sii wadney falanqaynta sheekadii ku saabsanayd isbedelkii aanu wasiir Boobe ku arkaynay. Ayaan baabuurkaygii oo aan markaas iga fogayn, anigu iska koray si aan  ugu laabto xafiiskaygii oo ay malintaas shaqo  badani ii taalay. Waxaase markiiba isna iga soo daba dhaqaaqay Agaasime Axmed Saleebaan Weyne, dabadeedna markaan baabuurkii fuulay, ayuu isaguna dhinaca kale ka soo koray.  Waxaanu iga codsaday in aan sii qaado ilaa wasaaraddii warfaafinta, maadaama aanu   baabuur haysan. Ka bacdina madaxtooyadii ayaanu ka baxnay, anaga oo ku sii jeedna dhinacii wasaradda. Hase ahaate markii aanu maraynay isgoyska u dhexeeya xarunta Baarlamaanka iyo Cusbitaalka weyn. Ayaa Agaasimihii farsamada uu Telefoon ku soo dhacay, dabadeedna si uu u ogaado cida soo wacday ayaa waxuu eegay Telefoonkiisii, oo uu markiisa horeba gacanta ku haystay. Waxaanu arkay in qofka soo garaacay yahay wasiir Boobe laftiisii, ka bacdina intii aanu u jawaabin ayaa waxuu igu yidhi “I yara sug waa wasiirkiiye aan la hadlee”   intaas haduu yidhina telefoonkii ayuu qabtay, oo waxuu yidhi “Hello wasiir” mana jirin wax hadal dambe ah, oo afkiisa ka soo baxay muddo ilaa hal daqiiqo ahayd, oo uu Telefoonka dhegta ku hayey. Iyada oo uu intaasna wasiirku  hadlayey, isaguna  dhegaysanayey. Waa sidii aan  wax u fahmay,  maadaama waxa keliya ee aan markaas maqli karayey ahaa hadalka Axmed oo keliya, balse aanan maqli karayn hadalka wasiirka. waxaase isna markii hadalkii bilaabay Axmed Saleebaan, waxaanu si degan oo xishmad iyo ixtiraam ka muuqdeen u yidhi “Wasiir waaban kugu soo socdaaye in yar I sug waxba yaynaan Telefoonka ku wada hadline”.   Hadalkaasina aniga waxuu I geliyey dareen, oo waxaan u qaatay in wasiirku si kulul ula hadlay. Kolkaas intaan baabuurkii wadada dhinac uga saaray, oo aan joojiyey ayaan ku soo jeestay Axmed oo weli Telefoonkii dhegta ku haya. Axmedna markaas dabadeed si uu ii maqashiiyo hadalka wasiirku ku leeyahay, ayaa waxuu furay sameecadii Telefoonka. Taas aawadeed waxaa suurto-gal noqotay in aan maqli karo hadaladii wasiirku lahaa intoodii dambe. Iyada oo hadaladii uu wasiirku markaas lahaa  ee aan maqlayeyna ay kid ahaayee “Anigu  wasiir baan ahay, lacagtana aniga oo wasiir ah ayaan Madaxweynaha u qortay,  Xirsina waa wasiir,  igamana sareeyo,  anniga Xirsi miyuu iga sareeyaa?  Maxaa lacagtayda adiga kaa khuseeya ee aad u joojisay, markaad leedahay mishiinka looma baahna, sow wax kale  umaad jeedin”  Intaas oo  kelmadood markii uu wasiirku si xidhiidh ah u yidhi. Ayaa waxa isna hadlay Axmed, hadalkiisiina waxaa ka mid ahaa “Wasiir hawsha idaacada anigu iskamaan geline, waxaa ii diray madaxdii adiga kaa horeysay, adiguba waad ogeyd markii lagu soo magacaabay ee aad wasaaradda timi, in aanu aniga iyo Mijirba hawshii idaacada shiinnaha ugu maqnayn. Markaa ma anagaa iska tagnay ilaa Shiinaha, sow taasiba kuuma cadaynayso in hawsha naloo diray.  Lacag aan joojiyeyna ma jirto. Warbixinta company-ga waxaa madaxtooyada koobi ka siiyey Injineeradii ka socday Shirkada Shiinaha ah. Aniguna iyaga ayaan sii kexeeyey markay madaxtooyada tegayeen, meelihii kale ee ay tageena anigaa wada geeyey. Xirsina aniga wasiir iima aha. Wax idinka dhexeeyana ma ogi”.  Intaas markii uu yidhina wasiir Boobe ayaa Telefoonkii jaray, hadalkiina halkaas ayuu ku dhamaaday.

Si kastaba ha ahaatee Boobe  khasadii iyo gabaxii  madaxtooyada kaga dhacay maalintaas loo diiday lacagtii booliga ahayd ee uu soo dalbaday, wixii ka dambeeyey waxuu bilaabay inuu si cadho iyo cadaawadi ku dheehan yihiin, ula ficiltamo xukuumadii uu wasiirka u ahaa. Sidoo kale waxuu bilaabay inuu si ka baxsan milgaha madaxnimo, oo aad u fool xun ula dagaalamo qaar ka mid ah Agaasimeyaashii wasaaradda ee uu xukumayey. Wakhtigiisii iyo awoodiisii oo dhana waxuu ku lumiyey in uu guud ahaanba isku diro, oo iska horkeeno madaxdii kala duwanayd ee wasaaradda iyo shaqaalihiiba. Kuwaas oo uu u  ka dhigay  laba qaybood oo kala ah qayb isaga ku xidhan oo wax u soo basaasta iyo qayb uu iska fogeeyey oo la soo basaaso. Arintaasina waxay keentay in shaqadii wasaaradda ka socotay oo dhami isu bedesho, basaasnimo, war sheeko iyo xan joogto ah, oo loo kala gudbinayo  labadaas qaybood ee madaxdii wasaaradda u qaybiyey.

La soco………………………………………………