MAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA – (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”) – Qormada 5aad

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland

Bishii Feeberweri 1987kii ayaa magaalada Harar ee dalkaa Itoobiya waxa lagu qabtay Shirweynihii 5aad ee SNM. Waa mar labaadkii Guddoomiye Siilaanyo la doortay. Hal-doorkii SNM ayaa goobtaa isugu yimid. Waxaan jeclahay in aan soo qaato ama soo xigto halkudhegyo ay halkaa ka soo jeediyeen qaar ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ugu fiicnaa SNM. Waa Mujaahid Danab Aadan Sheekh Maxamed oo loo yaqaannay Aadan-shiine iyo Damal Cabdilqaadir Koosaar. Hal-muceedyadii maalintaa laga guntay ee aanu ka duubnay waxa ka mid ahaa kii Danab Aadan-Shiine ee ahaa:

“Waxaan soo jeedinayaa in aynaan khaldamin. Waa dagaal waxaynu ku jirnaa. Iskuma raalli-gelin karno waxa dhiig ku daadanayo. Halkan in aynu isku raalli-gelinno uma aynu iman.” Laaxin laga jari maayo. Dalkan uma wada joogno in aynu gefafka dhacaya ka aammusno oo isku raalli-gelinno. Maalintaana dhiig ayaa daadanayay, maantana dhiig la og yahay ayaa u soo daatay.

Bal hadda Mujaahid Damal Cabdilqaadir Koosaarna aan sunnaynno. Maalintaa isaguna wuxu yidhi oo laga guntay: “Anigu markan waxaan ku talo-bixinayaa: arrimaha aasaasiga ah ee Urur ahaan I noo haysta ee ay ka mid tahay dayaca aynu dayacaynno qalabkeenna ama qalabkeenna oo aynu si xun u isticmaalaynno…oo aan saydhaynno rasaas, raashin, dhar iyo baabuur ku ay tahayba iyo xubinta ‘mafhuumka’ ururnimadeenna iyo xidhiidhka maamulka……saldhigga iyo maamulka oo labada dhinac ah, in aynu arrimahaas culayska saarno sidii aynu wax uga qaban lahayn.” Bal maalintaa iyo maanta ka warrama. Hadda waa 1987kii. Xisbi iyo Xukuumad xidhiidhsan maantana ma haynno.

Bishii Maarj 19dii, 2012ka ayaan xilkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta si rasmiya ula wareegayay waxaan idhi:

“Maanta waxaynu halkan u joognaa, si aan u tirsado xilkan culus ee Wasaaradda Warfaafinta. Halkan ama Wasaaraddan uma aan iman in aan ka shaqaysto. Halkan uma aan iman in aan ku hodmo oo aan ku tanaado. Halkan uma aan iman in aan aqal ka dhisto. Uma aan iman in gaadhi ka iibsado. Uma aan iman in aan si kale ugu danaysto. Han garoocan idiin lama aan iman. Xaashaa! Gurmad ayaan idiin ku imid. Waajibkii Qaaxo iyo halgankii hubeysnaa isku keen baday ayaa maantana ii yeedhay. Ma aan shaqo la’ayn ee waan shaqaynayay. Mushaharka aan halkan ka helayo, mid ka badan oo ka buuran meel aan ka helayo ayaan haystay oo aan ka soo tegay, is-tiqaaladna ka bixiyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamuud, Siilaanyo, ayaa xilkan ii gartay oo iigu yeedhay, anna waan ka guddoomay. Waxaan uga oggolaaday aniga oo aamminsan in qaranku cid walba xaq ugu leeyahay  in uu waajib ugu yeedho.” Ruuxaa iyo niyaddaa saafiga ah, damiirkaa xalnaa iyo qalbi-samaantaas ayaan ku hawl-galay, shaqaaluhuna igu soo dhaweeyeen.

Markii ay SNM Hargeysa soo gashay ee dalka la xoreeyay bilowgii Feeberwari 1991kii, waxaan ahaa Xoghayihii Warfaafinta ee SNM oo xubin ka ahaa Guddidii Fulinta ee ugu sarreysay ururkaa SNM. Dhul iyo guri midna kama doonan hantidii dawladda. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), laga soo bilaabo, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ iyo dhammaan intayadii Guddida Fulinta ka tirsanayd dhul iyo guryo-boobkaa kamaanu qayb-qaadan. Xaaraan maqdac ah ayaanu u arkaynay, ilaa maantadaa la joogana u aragnaa.

Markii aan maalmo xilka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta hayay, ayaan ku baraarugay in aanay dad badan oo xilal xukuumadeed haya iyo qaar dibadda ka joogayba jeclaysan magacaabistaydan. Waxa la ii sheegay in qaar subaxnimadii Madaxtooyada ku soo kallahay ay qarracmeen markii ay magacaabistayda arkeen. Maa daama ay kedis ahayd dad badani waxay iska jeclaan lahaayeen in ay sii ogaadaan si ay u hor joogsadaan. Waa dareenkii iiga muuqday xarumaha xukuumadda qaarkood iyo qofaf gaar ahba. Diidmadii ugu badnayd waxay iiga muuqatay Madaxtooyada. Si badheedh ah ayaa aniga iyo Wasaaraddaba wargeysyada qaarkood si joogto ah loogu caayi jiray, inta waxaa qorta ama ehelka u ahna lagu soo dhaweyn jiray, sidii waxay xukuumadda nafteedu is-dacaayadaynayso oo ay durbaan qaylo dheer is-daba sidato. Waxyaabihii ay ku faani lahayd ayay u muuqatay mid caydooda iyo ceebtooda soo dhawaysanaysay.

Dareenkaa la yaabka lihi mid aan qarsaday ma uu ahayn. Madaxweynaha oo ay ilaa saddex Wasiir la joogaan ayaan dacwaddayda mowduucaa daarraneyd u qaddimay oo ay ka garaabeen, bal se halkii kuma ay joogsan. Toban maalmood ma aan hayn xilka markii aan maalin barqadeed hor fadhiistay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee aan u sheegay in aanan u haysan in uu I siiyay warqad-magacaabineed (Letter of appointment) bal se ay ahayd warqad dagaal-gelineed ama aan sidaa u qaadanayo. Waxaan u sheegay in aan diyaar u ahay in aan dagaal-galo, bal se aanan qaadanayn xabbad Madaxtooyada laga soo rido oo aniga oo sii jeeda dhabarka la igaga toogto. Waxay igu kelliftay in aan aad ugu sii faah-faahiyo.

Qaar badan oo aan Madaxtooyada kula kulmi jiray waan ka xarragoon jiray in aan salaamo, maxaa yeelay sababta ay meesha u joogeen iyo ta aan u imid ayaa kala duwanaa aadna u kala fogaa. Bal hadda xusuusta hees-hawleeddii geela ee ahayd:

“Ragna dhuunuu,

 Kuu dhex joogaa,

 Ragna dhaqashuu,

 Kuugu dhabar-jabay,”

Maalmihii ugu horreeyay ee aan dareemay sida xaal yahay ee aan loo wada socon, ayaan go’aansaday in aan Madaxweynaha la soo qaado xilalkaygu waxay yihiin. Waxaan ka shakiyay in wixii xumaadaba la ii aaneeyo. Waxaan go’aansaday in aan suntado xilalka ay tahay in la igala xisaabtamo. Maalin maalmahaa ugu horreeyay ka mid ahayd ayaan hor fadhiistay. Waxaan weydiiyay xilalkaygu ka wasiir ahaan waxay yihiin. Wuxu iigu jawaabay in aanay wax qoran oo qarqoorani jirin. Waxaan ku celiyay waan soo qoranayaa ee bal waynu ka wada-hadli oo wada eegi doonnaa. Sidaas ayaanu isku raacnay.

Waxaan u soo qoray warqad qabyo (draft) ah oo af-Ingiriisi ah oo ilaa 9 Qodob ahayd. Cabbaar ayaanu wada akhrinay aniga iyo Xoghayihiisa Gaarka ahi. Mabda’ ahaan waanu isla oggolaannay. Warqaddaa lama saxeexin in kasta oo aanay sidaasi ula-kac iyo niyad-xumaan ku dhicin. Xoghayihiisa Gaarka ah mar iyo laba waanu ka wada-hadallay.  Bal ila eega waa kan nuqulkiiye:

(La soco……………………………..)