Magaalo Maraykanka ka tirsan oo Markii u horeysay Dhawaqa Eedaanka Salaadaha bannaanka laga Maqlay

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa markii u horeysay laga si toos ah looga Maqlay Eedaanka Salaadda, kaddib markii maamulka magaaladaasi oggolaadaan codsi ay u gudbiyeen Muslimiinta ku dhaqan magaaladaasi.

Masjidka Dar Al-Hijra, Cedar-Riverside/Minneapolis – XUQUUQDA SAWIRKA/Abdisalem Adam

Muslimiinta ku dhaqan magaalada oo ay Soomaalidu ku jirto ayaa maamulka Minneapolis u gudbiyey codsi ay ku dalbadanayaan in Dhawaaqa Eedaanka Salaadaha oo markii hore gudaha Masaajiddada uun laga maqli jiray, hadda wixii ka dambeeyey lagu baahin doono Sameecado ku rakiban Dusha sare ee Masaajidka inta lagu gudo jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan maadaama la xaddiday isu-socodka dadka, masaajiddadana aan layskugu iman karin Xaaladda Bandooga ee halista Caabuqa Coronavirus awgeed.

Dhawaqii u horeeyey Eedaanka Salaadda, ayaa laga maqlay xaafada Riverside iyo nawaaxigeeda Salaaddii Maqrib ee maalinimadii Khamiista xilli ay Muslimiintu Isu-diyaarinayaan Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Mar Labaad ayaa Dhawaaqa Eedaanka laga Maqlay Salaaddii Subax ee Jimcihii maanta, halka sidoo kale Salaaddii Jimce ee maantana la maqlay Eedaanka, waxaanay maamulka Masaajidku sheegeen inay sidaa ku wadayaan Shanta Salaadood maalin kasta inta lagu gudo-jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Masaajiddada magaalada Minneapolis waxa ka mid ah Masaajid ku yaalla Xaafadda Riverside oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku dhaqan magaaladaas, waxaana arrintan warbixin ka diyaariyey Suxufi ka tirsan telefishanka HCTV oo booqday goobta Masaajidku ku yaallo, xog-waraysina la yeeshay Culimada iyo maamulka Masaajidka oo lagu magacaabo Dar Al-Hijra oo ku yaala xaafadda Cedar-Riverside ee magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warbixinta

https://www.youtube.com/watch?v=SWTPf0Xh21Y

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net