Magaaladii Dhaqan Xumada Ee La Halligay 19 Qarni Ka Hor, Raadadka Weli Ka Nool Iyo Ficilladii Dadkeedu Samayn Jireen

Roma (SLpost)- Dalka Talyaaniga waxaa ku taalla magaalo lagu magacaabo Pompeii oo in badan oo warbaahinta dunida ka mid ahi ku naanaysto magaaladii Dhaqan xumada (Faaxishada). Magaaladani waxa ay ku taallaa oogada sare ee buur uu dhererkeedu gaadhayo illaa 1200 oo mitir. Waxaana la aaminsan yahay in ay ku noolaan jireen dad ka badan 20 kun oo qof, oo u badnaa ganacsato aad u ladan, laakiin ay dhammaantood ku dhinteen qarax Fulkaane oo dhagaxii, holacii, dambaskii iyo burburkii ka dhashay uu daboolay magaalada oo dhan, dadkiina ka dhigay wax dabka holcayey, iyo dhagxaanta waaweyn ee soo daatay ay burburiyeen iyo dad gaasti macdanaha Folkaanaha weheliyaa ay dishay ama ku neef qabatoobay uurada iyo boodhka ka dhashay oo iyaga maydadkoodii inta uu dahaadh ku noqday boodhka iyo sibidhku u ekeysiiyey dhagaxaan qaabka qofka loo qoray, illaa maantana dhex yaalla magaalada burburkeeda iyo goobo lagu ururiyey.

Sannadkii 79kii Dhalashadii Ciise kadib oo ku dhowaad 5 Qarni (492 sano) ka horreysay dhalashadii Nebi Muxammed (SCW) ayaa uu Fulkaanahani ku dhacay dadkan magaaladan ku dhaqnaa oo marka la arkay qaabka ay u yaallaan maydadku ay  khubarada hidde-raaca iyo aataartu kala soo baxeen fikir ah in uu ruux kastaa naf-xarbigii dhimashada ka horreeyey uu ku dadaalay in uu noolaado, xarakaad jidheed oo uu ku raadinayo badbaadana sameeyey, sida in uu ordo ama iska dul qaado uurada iyo burburka, laakiin aanay waxba u tarin, maadaama oo dhan walba magaalada iyo gudaheedaba ay kaga yimaaddeen buuro dab holcaya ahi, xitaa dhinaca baddu ay ka xigtay.

Magaalada Pompeii waxa hadda laug tiriyaa in ay tahay goobaha dalxiiska loo tago ee ugu muhiimsan uguna dadka badan dunida oo dhan, gaar ahaan qaaradda Yurub, dad aad u tiro badan oo dalxiiseyaal ah ayaa isaga yimaadda daafaha dunida si ay indhahooda ugu soo arkaan waxa ku dhacay magaalada Pompeii iyo sidoo kale ficillada iyo dhaqannada illaa hadda laga arkayo maydadka ee ay tuulahani samayn jirtay.

Waxaa xusid mudan in sida taariikhda ku cad, hadhaadiga tuulahan iyo maydadkana laga fahmi karo in dadka tuulahan deggeni ay baraysteen dhaqanno fool xun oo sinadu ugu horreyso, iyada oo illaa maanta la arkayo maydadka rag iyo dumar, rag iyo carruur, rag iyo dad isku jinsi ah oo shaaracyada magaalada Alle rogay uu maydkoodu ku qallafay iyaga oo ku gudo jira ficilladii sinada iyo anshax xumada ahaa. Sidoo kale waxa ay taariikhyahannada qaar xusaan in magaaladani ay caan ku ahayd ka ganacsiga jidhka.

xigasho Geeska Afrika