Magaalada Burco Oo Mar kale Marti-gelinaysa Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo la Muddeeyey

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shirguddoomiyey shirka guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye oo maanta ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbigaas.

Shirkan guddida fulinta, ayaa intii uu socday waxa lagu lafo guray arrimo kala duwan oo hawlaha xisbiga horyaalla, kuwa dalka ka jira iyo kuwa mandaqaddaba ku saabsan, iyada oo hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay leedahay in shacabku gacmaha isu qabsadaan ilaalinta amniga, wada-jirna loogaga hortago wax kasta oo khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida.

Markii uu shirku soo dhammaaday waxa nuxurkii shirka iyo qodobbadii ka soo baxayba warbaahinta u sharraxay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxaana kamid ahaa qodobbada ka soo baxay kuwan hoos ku qoran:

  • In 20-ka bisha August ee sannadkan 2023-ka uu magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.
  • In xisbigu u diyaargaroobayo qabsoomidda labada doorasho ururrada iyo madaxtooyada ee uu waqtigooda muddeeyey komishanka doorashooyinka qaranku, si buuxdana u taageersan yahay go’aankaas.

Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu farriin u diray xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE in bilowga bisha Siddeedaad ay soo doontaan kaadhadhkooda ay kaga qayb gelayaan shirka golaha dhexe ee waqtigiisa ay maanta muddeeyeen xubnaha guddida fulinta ee xisbigu.

Taageeryaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayuu guddoomiye-ku-xigeenka xisbigu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashooyinka dalka ku soo foolka leh, maaddaama oo dalku u cagta saarayo jidkii doorashooyinka.

Shirka Golaha Dhexe ee bisha Dambe loo muddeeyey, ayaa ku soo beegmaya xilli la hadal-hayo in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iska wareejinayo Guddoomiyenimada Kulmiye, waxaana shaqsiyaadka guddoomiyenimada xisbiga la wareegi doona safka hore kaga jira Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Waxa ay ahayd Bisha August, sannadkii 2008-kii wakhtigii ugu dambeeyey ee shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye lagu qabto magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxaana shirkaas ka dhashay khilaaf labada kooxood u kala jabiyey Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, iyadoo aanay shirka ka soo xaadirin garab ka mid ah oo sheegay in shirkaasi cid gaar ah u af-duubnaa, in kasta oo markii dambe khilaafkaas lagu soo af-jaray guddi dhex-dhexaadin ah oo Guddoomiyihii xilligaas Axmed-Siilaanyo u xil-saaray xal-u-helidda khilaafkaas.