“Madaxweynuhu waa dhaqan yaqaan oo hablaha lama hadlo oo xataa lama murmo…khilaaf nama dhex marin” – Hinda Jaamac

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo kamid ahayd masuuliyiin uu todobaadkan xilalka ka qaaday, ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aaddan go’aanka madaxweynaha iyo khilaaf la sheegay inuu dhexmaray oo sababtay xil-ka-qaadista.

Marwo Hindia Jaamac waxa ay sheegtay in go’aanka Madaxweynuhu ku beddelay la mid yahay kii uu markii hore ugu xushay qabashada xilkaasi iyadoo aanay jirin cid u wastaysay ama si kale ugu olollaysay, balse uu isagu rabitaankiisa ugu magacaabay.

Marwo Hinda Jaamac Xirsi, waxa kale oo ay meesha ka saartay jiritaanka wax khilaaf ah oo dhex maray iyada iyo Madaxweynaha, waxaanay ceeb iyo wax aan suurtogal noqon karin ku tilmaantay hadallo baraha bulshada lagu baahiyey oo ah in uu madaxweynuhu gacan u qaaday.

Wasiirkii hore qoyska oo maanta warbaahinta kula hadashay xarunta Wasaaradda waxa ay sheegtay inay Madaxweynaha si kal-furan u wada shaqeeyeen muddadii ay kamid ahayd Golaha Wasiirrada, iminkana aanay filaynin in ay saaxada siyaasadda ku kala fogaadaan.

“Madaxweynuhu madaxweynahaygii weeyaan. qof uu Suldaan waday maan ahayn, qof uu Nin Tijaar ahi keenay maan ahayn, ehelnimo dhow igumuu magacaabin xuladashiisa ayaa illaahay igu qadaray in aan kamid noqdo Wasiirradii ugu horeeyey ee qalinka Madaxweynuhu qoro, waan uga mahad celinayaa mar labaad iyo mar saddexaadba.
Waxaan qabaa in Kalsooni iyo wanaag naga dhexeeyo Madaxweynaha, waan arkayey Dhalinyaro fara badan oo Burco igala soo hadlayey oo igu yidhi waxbaa kugu dhacaybaa la yidhi, waad is disheenbaa la yidhi, waxaan leeyahay xaasha waa ceeb waxaas oo kale ee yaan la idinka maqlin,” Sidaas ayay tidhi Marwo Hinda Xirsi Jaamac.

“Madaxweynuhu waa dhaqan yaqaan oo hablaha lama hadlo oo xataa lama murmo, wax alaale wixii aanu soo jeedino markaanu golaha joogno in uu nagu raaco mooyee waligii nalama murmin, markaa khilaaf nama dhex marin, faddeexad nama dhex marin, namana dhex mari doonto ilaahay idamkii,” ayay tidhi.

Wasiir Hinda Gaani waxa ay dhinaca kale soo hadal qaadday dhacdooyin dhex maray iyada iyo dhalinyaro baahi dhaqaale u soo doontay oo ay sheegtay in ay ka gudatay intii masuuliyaddeeda iyo waajibka qofnimo farayey, kuwaasoo ay si qoto dheer uga sheekaysay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net