“Madaxweynuhu Markasta Oo Uu Dibadda U Baxayo Ma Kaxaysto Wasiirka Arrimaha Dibadda, Waxaanu Kaxaystaa Hadba Arrinka Uu Dibadda U Tagayaa Cidda Ay Khusayso” Sacad

Hargeysa(Slpost)–Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanay jirin sabab qarsoon oo uu uga hadhay weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee dalka Kuwait safarka ku tagay, waxaanu sheegay inuu u hadhay hawlo qaran oo uu dalka gudihiisa ka waday.

Wasiir Sacad, oo Geeska Afrika u waramay wuxuu ka jawaabay su’aalo badan oo ay bulshadu iska weydiisay sababta uu uga mid noqon waayay weftiga Madaxweynaha, maadaama oo uu yahay wasiirka arrimaha dibadda, waxaana uu Wasiir Sacad sheegay inaanay khasab ahayn in wasiirka arrimaha dibaddu mar walba raaco safarada uu Madaxweynuhu dibadda ugu baxo, “Sideedadaba madaxweynuhu markasta oo uu dibadda u baxayo ma kaxaysto wasiirka arrimaha dibadda, waxaanu madaxweynuhu kaxaystaa hadba arrinka uu dibadda u tagayaa cidda ay khusayso.” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire, waxaanu intaas raaciyay “Markaas anigu waan la socday xogta weftiga, si fiican ayaanan u hayay warkiisa wax xumaan ahina ma jirto.”

Wasiirka oo sii sharaxaya arrintan, wuxuu yidhi “Si fiican ayaan ula socday safarkas Madaxweynuhu ku tagay Kuwait, waxaanan hawlo ka hayay halkan [dalka], inuu wasiirul khaarajigu raaco madaxweynaha mar kasta khasab maaha, waxaanu madaxweynuhu kaxaystaa hadba wasiiraday ku haboontahay safarka uu u baxayaa, markaas xumaan iyo dhibaato ma jirto waanan la socday safarkaas, hawlo qaran ayaanan u joogay oo aan ka shaqaynayay.”

Xigasho Geeska