Madaxweynihii hore ee Somaliland oo Farriin Hambalyo iyo Duco ah Hawada u soo mariyey Shacabka

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Munaasibadda Ciidul-Adxada darteed waxa uu Hambalyo, Bogaadin Duco u diray guud ahaanba ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan Shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

Mudane Daahir Rayaale oo deggan magaalada Paris ee waddanka Faransiiska, ayaa Wargeyska Himilo khadka Taleefanka ugu sheegay inuu ku faraxsan yahay Munaasibadda Ciidul-Adxaha inay dalkiisa Somaliland Nabad-qab kula ciidaan, waxaanu sheegay maadaama oo aanu wakhtigan dalka ku sugnayn inuu Shacabkiisa Hambalyo iyo Bogaadin u soo dirayo.

rayaale2Madaxweynihii hore ee Somaliland waxa uu Shacabka u rejeeyey in Ciiddan Ciiddeeda Illaahay ku gaadhsiiyo Nabad, Barwaaqo, Bash-bash, Farxad, Raynrayn, Midnimo iyo Ictiraaf buuxa.

“Waxaan leeyahay Allaah Acmaasha Ciidda ha innaga aqbalo, Guud ahaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Bulshada Somaliland meel kasta oo ay dalka iyo dibeddaba ka joogaan waxaan leeyahay Hambalyo Kulli Caam Wa Antum Bil-khayr. Allaah Ciiddan Ciiddeeda ha innagu gaadhsiiyo Farxad, Badhaadhe, Nabad, wada-jir, Caafimaad iyo Ictiraaf buuxa,” sidaa ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo Khadka Taleefanka kula hadlay Wargeyska Himilo isagoo ku sugan magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo uu degganaa tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu xilka wareejiyey 27-kii July ee sannadkii 2010-kii.