Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Oo Maanta Ku Kulmay Dalka Jabuuti

Jabuuti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dhiggiisa dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kulan ku yeeshay Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalkaas.

Kulanka oo ah kii labaad ee labada madaxweyne ku dhexmara Magaalada Jabuuti, waxa goob-joog ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo oo Madaarka Hargeysa ka raacay diyaarad gaar ah oo ay Dawladda Jabbuuti u soo dirtay, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Xunbuli ee Caasimadda Dalka Jabuuti, waxaana halkaa ku qaaabiley kuna soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Yuusuf.

Madaxweynaha iyo waftigiiisa waxa loo galbiyey Qasri loogu talo-galey madaxweynayaasha caalamka ee dalka Jabuuti soo booqda, qaddar nasasho ah ka dibna, Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa salaan ugu yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo labada madaxweyne halkaas ku qaatay waqti kooban.

Intaa kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa waxa lagu qaabiley Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyadoo si toos ah loo gudo-galay shirkii loo balansaa ee madaxweyneyaasha Dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Kulankaa saddex geesoodka ah ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalladii hakadku ku yimi ee u dhaxeeyey labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadaladaas oo soo bilaabmay sannadkii 2012-kii, dibna u bilaabmay maanta, kulamadiisuna ay weli socdaan.