Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Addis Ababa

 

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta labada dhinac, haseyeeshee, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa xaqiijiyey in labada hoggaamiye kulan ku yeesheen Xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya oo isagu kulanka suurto-galiyey.

Ilaa hadda ma cadda Qodobada ay ka wada hadleen labada madaxweyne oo la sheegay in kulankoodu qaatay muddo ku dhow saacad.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa la sheegay inuu ahaa mid labadooda keliya ay wada qaateen oo aanay la joogin wasiirrada iyo xubnaha kale ee weftiyada labada dhinac.

Kulanka ayaa noqonaya markii u horeysay ee ay kulmaan Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wixii ka dambeeyey iyadoo dhowr jeer ay dib u dhaceen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.