Madaxweyne Xasan Sheekh oo shegay in dowladda Isbedel ay ku sameyneyso Hay’adaha Ammaanka

Somalia(SLPOST)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in dowladda ay isbedel ku sameyneyso Hay’adaha ammaanka dalka.

xasan sheekh maxamuud

Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa carabka ku dhugtay in dowladda ay qorsheysay hannaan wax looga qabanayo ammaanka dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

“ dowladdu waxa ay ammaanka la wadaageysaa Guud ahaan Caalamka” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu Madaxweynuhu Carabka ku dhuftay in uu billaabanayo Howl galkii lagu dabar goyn lahaa Al Shabaab oo ay qaadayaan Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM sida uu yiri Madaxweynaha.

Al Shabaab ayaa Jimcihii weerar gallaaftay nolosha dad badan ku qaaday Villa Soomaaliya aqalka looga arrimiyo dalka Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland