Madaxweyne Trump oo Weji-gabax kala kulmay Maxkamadaha Dalka Maraykanka oo qaaddacay Codsigiisa

 

Washington (SLpost)- Kooxda Ololaha Trump iyo Qareennada uu doodaya, ayaa guul-darrooyin is-daba joog ah kala kulmay Maxkamadaha Sare iyo kuwa Hoose ee gobollada dalka Maraykanka oo ay u gudbiyeen dacwado ka dhan natiijada codbixinta doorashadii Madaxweynaha ee dalkaas ka dhacday bishii November ee sannadkan.

Maxkamadda sare ee Gobolka Nevada ee dalka Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku horjoogsatay rafcaan ay Kooxda ololaha madaxweyne Trump ku dalbadeen in la joojiyo natiijooyinka Codbixinta shacabka gobolkaas.

Advertisement

Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda ayaa noqonaysa khasaarihii ugu dambeeyey Iskudayga dadaallo dhinaca sharciga ah oo ka yimi madaxweyne Trump, kaas oo ah inaanu madaxweynaha la doortay ee Joe Biden ku guulaysanin codbixintii shacabka gobolka.

Lixda Garsoore ee Maxkamadda Sare ee Nevada oo dhammaantood go’aan isku mid ah kaga soo horjeestay dalabka Trump, ayaa yimi kaddib markii Maxkamadda Hoose ee gobolku soo saartay go’aan ka dhan dacwadda Trump todobaadkii hore, taasina ay sababtay in Kooxda Ololaha Trump iyo Qareennada u doodayaa racfaan u qaateen Maxkamadda Sare ee gobolka Nevada oo ka mid ah gobollada uu madaxweyne Trump codadka badan ka badan ka helay doorashadii uu 2016-kii Kursiga Aqalka Cad ku fuulay.

Garsoore James T. Russell oo ka tirsan Maxkamada gobolka Nevada ayaa Jimcihii soo saaray Xukun uu ku caddeeyey inaanay jirin wax cadeyn ah oo taageeraya sheegashooyinka wax isdabamarinta iyo khaladaadka lagu eedeeyey inay sameeyeen Kooxda ololaha doorashada ee madaxweynaha la doortay ee Joe Biden oo ku guuleystay in ka badan 33,000 oo cod tiradii guud ee Shacabka gobolkaas.

Warbixin ka kooban 40-bog oo xambaarsan Xukunka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Nevada xalay, waxa ay  garsoorayaashu ku taageereen go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Hoose, waxayna sheegeen inaanay maxkamaddu wax tallaabo ah qaadi doonin, kuna qanacday xukunkaas.

Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Nevada ayaa soo gunaanaday damaca kooxda Trump oo maalin ka hor weji-bax kala kulay Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo diidday isku day daqiiqadihii u dambeeyey lagu doonayay wax-ka-beddel lagu sameeyo natiijooyinka codbixinta gobolka Pennsylvania oo Joe Biden ku guulaystay.

Amarka ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu horjoogsaday codsi ay Kooxda Trump ku dalbadeen dib u eegis lagu sameeyo codbixinta gobolka Pennsylvania oo Biden ku guuleystay in ka badan 80,000 oo cod, taas oo habayaraatee aanay ku jirin caddeymo lagu sababaynayo khaladaadka iyo wax-is-daba marinta lagu eedeeyey Kooxda Ololaha ee madaxweynaha la doortay ee Maraykanka.

Somalilandpost.net

Follow us On