Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Maareeyayaashii Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka iyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, beddelkoodana magacaabay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka iyo Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Md Maxamed Daahir Axmed iyo Md C/waaxid C/qaadir, waxaanu magacaabay masuuliyiin cusub oo beddel u noqonaya masuuliyiintaas xilka laga qaaday.

Warsaxaafadeed xambaarsan digreetada madaxweynaha oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1574/022013             ku magacaabay laba maareeyo oo kala ah:-

1.Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL

2.Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL.

MADAXWEYNAHA:

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:          Ahmiyadda ay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka iyo Wakaaladda  Horumarinta Wadooyinku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP (Food Coordination Agency) iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL.

Markuu La Tashaday:     Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:        In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagadan;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL, waxaanay Hay’addu hoos iman doonta Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL.

2. In Prof. Xasan Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL.

Xilka Qaadis

Halka uu madaxweynuhu Xilalkii ay hayeen kaga qaaday Maareeyihii hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL, Mudane, Maxamed Daahir Axmed iyo Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL, C/waaxid C/qaadir, masuuliyiintaasi  Oo uu madaxweynuhu uga mahad celiyey Mudadii ay xilkan soo hayeen, balse ay Xilka qaranka Dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo kolba cidii hanan karta loo dhiibo.”

SOMALILANDPOST.NET