Madaxweyne Siilaanyo oo Xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo Isku-beddel ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Madaxweynaha Somaliland

HARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa caawa soo saaray digreetooyin xambaarsan Xil-ka-qaadis, isku-beddel iyo magacaabis qaar ka tirsan badhasaabbada Gobollada dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska afhayeenka madax-tooyada oo lagu shaaciyey digreetooyinka Md Siilaanyo, waxa uu madaxweynuhu xilalka ka qaaday Guddoomiyeyaashii Gobollada Sool, Saraar iyo Guddoomiye ku-xigeennadii gobollada Saaxil iyo Togdheer.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Guddoomiyaha Gobolka Awdal u magacaabay Guddoomiyihi gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), kaddib markii sida lagu sheegay digreetada madaxweyaha, uu is-casilay guddoomiyihii gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir, kaas oo madaxweynuhu ka aqbalay go’aankiisa.

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyaha gobolka Sanaag u magacaabay inuu noqdo Axmed Cabdi Falay, Guddoomiyaha Gobolka Sool-na waxa uu u magacaabay inuu noqdo Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X), kaddib markii uu madaxweynuhu xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolkaas Maxamed Faarax Aadan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu Guddoomiyaha Gobolka Saraar u magacaabay Cali Maxamed Faarax, kaddib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolkaas Axmed Cali Nuur.

Md Axmed Siilaanyo waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Guddoomiye ku-xigeennadii Gobollada Saaxil iyo Togdheer, Khadar Cali Cilmi iyo Maxamed Maxamuud Yuusuf, waxaanu beddelkooda u magacaabay in Xaamud Xuseen Cabdilaahi uu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee gobolka Saaxil, halka

Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) uu u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Cusub ee gobolka Togdheer.

Digreetooyinka uu madaxweynuhu xilalka ka qaaday iyo kuwa uu masuuliyiinta cusub beddelkooda ugu magacaabay oo lagu war-geliyey Wasaaradda Arrimaha Guduhu, waxa uu madaxweynuhu Wasiirka Daakhiliga faray inuu sida ugu dhakhsaha badan xilalka ugu kala wareejiyo Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada uu xilalka u magacaabay iyo kuwa uu ka qaaday.

SOMALILANDPOST.NET