Madaxweyne Siilaanyo oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis Cusub ku Sameeyey masuuliyiinta Xukuumadda Qaarkood

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Badhasaabkii iyo ku-xigeenkii gobolka Daad-madheedh, waxaanu u magacaabay masuuliyiin Cusub.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo lagu shaaciyey digreeto madaxweynuhu xilalka kaga qaaday guddoomihii gobolka Daad-madheedh Jamaal Cabdi Hurre iyo ku-xigeenkiisii Faarax Cabdi Xasan, waxaanu beddelkooda u magacaabay in Cali Cawil Cabdi uu noqdo badhasaabkii gobolka Daad-madheedh halka guddoomiye ku-xigeennada uu u magacaabay inuu noqdo Maxamuud Cali Axmed.

Warsaxaafadeedka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2643/072014 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolkaasi isla markaasina u magacaabay laba masuul oo cusub Gobolka Daad-madheedh.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka,

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagadan,

Markuu La Tashaday:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Cawil Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Maxamuud Cali Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

  1.       Ku:      Mudane, Jamaal Xuseen Hurre

            Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh   

  1.       Ku:      Mudane, Faarax Cabdi Xasan

            Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh     

Mudanayaal,

Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo hayseen xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cali Cawil Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh iyo Mudane, Maxamuud Cali Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”