Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Tiray Qoyska Marxuum Ambassador Cabdillaahi Siciid Cismaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Ambassador Cabdillaahi Siciid Cismaan oo Jimcihii hore ku geeriyooday laguna aasay gobolka Virginia.

Marxuumku wuxuu ku dhashay magaalada Berbera wuxuuna ahaa safiirkii Geneva iyo UN-ta u fadhiyey Xukuumaddii Dalkii Burburay ee la isku odhan jiray Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.