Madaxweyne Siilaanyo oo soo Saaray Xeer uu Waaxda Dayactirka Waddooyinka ee Wasaaradda Hawlaha Guud ku hoos Geeyey Wasaaradda Madaxtooyada

madaxweyne-siilaanyo3Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa soo saaray Xeer uu Wasaaradda Hawlaha Guud kaga hoos saaray Waaxda Dayac-tirka ee Waddooyinka, isla markaana uu waaxdan ku hoos-geeyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos tagta Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.

Waxa sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1772/062013, uu  waaxda Dayactirka Waddooyinka oo  hore uga mid ahayd Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan uu madaxweynuhu hoos-geeyey Wakaallada Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency-RDA).

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Dersay:  Baahida loo qabo horumarinta, dhisidda, dayactirka iyo qorshaynta Wadooyinka cusub ee isku xidha Magaalooyinka;

Markuu Tix-geliyay:     Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha dalka JSL;

Isagoo Maanka Ku Haya:  Dib-u-habaynta, Horumarinta Hay’adda Wadooyinku in ay Qaranka muhiim u tahay;

Wuxuu soo Saaray

Xeerkan oo laga bilaabo taariikhda maanta uu ku hoos-geeyey Dayactirka Waddooyinka, Wakaallada Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency-RDA).”

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa digreetooyin uu soo saaray horraantii sannadkan, waxa uu ku tirtiray dhismaha hay’addii Waddooyinka iyo Guddidii Horumarinta Waddooyinka, isaga oo Abuuray Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo uu hoosgeeyey Wasaaradda Madaxtooyada.

Madaxweynuhu waxa uu digreetooyinkiisaas ku sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud Qaabilsanaan doonto dayac-tirka Waddooyinka oo kharashaadkooda lagu fulinayo uga soo baxa boqolkiiba inta ay ku leedahay Cashuuraha waddo-marista, haseyeeshee, Xeerkan madaxweyne Siilaanyo caawa soo saaray, ayaa burinaya digreetadaas uu hore wasaaradda hawlaha guud ugu negaadiyey Waaxda Dayactirka Waddooyinka.

SOMALILANDPOST.NET