Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay inaanu kala Caddeyn Ajandaha Shirka Wada-hadallada ee Somaliland iyo Somalia uga Furamaya Dalka Turkiga

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa u amba-baxay socdaal ku tagayaan dalka Turkiga, ayaa sheegay inaanu kala-caddeyn Ajandaha Shirka wada-hadallada ee Somaliland iyo Somalia ee Dawladda Turkigu marti-gelinayso.

Madaxweynaha oo ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa, waxa socdaalkiisa ku weheliya Guddoomiyeyaasha axsaabta siyaasadda ee qaranka iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha dibadda, Madaxtooyada, Arrimaha bulshadda iyo Cadaalada.

Madaxweynaha Somaliland oo waxyar ka hor intii aanay u kicitimin Turkiga qolka nasashada ee madaarka Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalkiisa.

Madaxweyne Siilaanyo_Turkiga“Waxaanu maanta u baxaynaa dalka Turkiga oo la noogu martiqaaday wada hadal u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, inaga siyaasadeenu waxay ahayd goor walba, mar kasta in meeshii danta Somaliland lagaga hadlayo ee danta iyo maslaxadu noo tilmaantana waanu tagaynaa. Way jireen wada-hadalo badan oo aynu ka qayb-galnay, meelo aynu ka gows qabsanayna way jiraan sababo ah inay inoo cuntami waayeen,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Markaa halkaasi ayaanu tagaynaa waxaana inoo furmaya wada hadaladii, madax badan oo raysal-baarlamaanku ka mid yahayna waanu ku tagaynaa iyo masuuliyiinta axsaabtu. Waxaanu rajaynaynaa inaanu halkaa wixii qadiyadeena ah gaadhsiino oo aanu dunida gaadhsiino, inaynu shirarkan tagnaana danteena ayaa ku jirta.

Cidda qadiyadeeda iyo madax-banaanideeda inay dunida gaadhsiiso la doonayaana waa inaga, taana mar walba diyaar-baanu u nahay inaanynu qaran ahaan u dhamaano xisbiyada haddii aynu nahay iyo haddii aanu dawladda nahayba, markaa waxaanu rajeynaynaa inaanu guul kala soo noqono,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

IMG_0503Madaxwayne Siilaanyo oo la waydiiyey inuu bulshada u sharraxo ajandaha shirka Turkiga ayaa yidhi, “Ajandihiisa caddaan lanoogama dhigin oo wax kow iyo laba aan odhan karayo maaha, laakiin waa Somaliland iyo Soomaaliya oo la wada-hadalsiinayo, laakiin Soomaaliya waxay doonaysaa in laga mid noqdo, Somaliland-na waxay doonaysaa in madax-banaanideeda dunidu ictiraafto oo ay ogolaato.”

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ajiibtay marti-qaadka ay ka heleen dalka Marti-gelinaya wada hadaladan ay yeelanayaan Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanay ku dooday in kulankani si fool-ka-fool ah u dhex-mari doono labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

IMG_0581Shirkan ayaa dabo socda laba shir oo ka horeeyay oo kal-hore lagu kala qabtay Ingiriiska iyo Imaaraadka carabta oo lagu saxeexay heshiis ka koobnaa lix qodob oo dulucdiisu ahayd in la sii ambo-qaado wada hadalada labada geesood u bilowday iyo inay ka shaqeeyaan masaalixda mandaqada.